22- September-2023 –
➡Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in hawlgalka ka socda gobolkaasi uu galay wejigiisii ugu dambeeyay ee lagu soo geba-gabeynayo joogitaankii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maleeshiyada ka saaray inta badan deegaanadii ay ka haysteen gobolkaasi, haatana ay ku harsan yihiin deegaano faro ku tiris ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii qabtay deegaanka Bacaadweyne iyo kuwii kale ee la wareegay deegaanka Cammaara ee isugu tegay Cammaara ay hadda cagta saareen waddada aadda deegaanka Caad. Caad waa deegaanka ugu muhiimsan ee xilligan Shabaabka uga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi, marka laga soo taggo deegaanka Jowle, oo hoostagga Degmada Xarardheere.
➡Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo howlgal balaaran kawada Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
➡Inta la ogyahay 27 ka mid ah Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Qaranka ay ka sameeyeen deegaannada Miliqo oo ku yaala soodinta Gobalada Mudug iyo Galgaduud iyo deegaanka Baalal dheer oo ku yaala Gobalka Galgaduud.
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu beedsaday Saddex xarun oo khawaarijta ay ku lahaayeen deegaannadaan waxaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan oo ay khawaarijtu lahaayeen.
Firxadka Khawaarijta Baxsadka ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen deegaanka Xiindheere.
➡Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa socdaal ku gaaray Deegaanada Cali Saciid iyo Xasan Geedi oo hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen bulshada deegaanka.
Guddoomiye Madaale ayaa goob fagaara ah kula hadlay bulshada deegaanka isaga oo kula dardaarmay in ay qeyb ka noqdaan dardargalinta howlgalada silsilada ah ee dalka looga sifeynaayo Khawaarijta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in maalma kooban ay ka harsan tahay dhamaadka Argagixisada dhiig miiratada ah ee kasoo horjeeda Xasiloonida, Horumarka iyo Nolasha ummada Soomaaliyeed.
➡Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada deegaanka Shabeellow ee Koonfurta Gabolka Mudug.
Ammaan Duulaha Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Le Cabdullaahi Xuseen Gaduud (Caano Boore) .ayaa hoggaaminayay howl galka waxaana uu tilmaamay in howladda ay sameeyeen ay qayb ka yihiin halganka Ciribtirka Khawaarjta ee ka socda Galmudug.
➡Masuuliyiin katirsan DFS Ayaa maanta Deeq Geel iyo Raashin iskugu jirta waxa ay ku wareejiyeen Guddiga Difaaca Koonfurta Gobolka Mudug iyo Maamulka Magaalada Wisil.