Daawo” Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo Si Toos Ah Khadka Taleefanka Kula Hadlay

25″ September “2022” Muqdisho

犀利士 igncenter size-full”>

Ra’iisul Wasaare HHamza Abdi BarreAyaa Si Toos Ah Khadka Taleefanka Kula Hadlay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Hoggaaminaya Kacdoonka Argagaxisada Looga Xoreynayo Dalka ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka, General Odowaa Yuusuf Raage ku bogaadiyay doorkooda hoggaamineed howlgalka guuleystay ee dib-u-xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha telefoonka uu kula hadlay waxa ay kala yihiin Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf al-Caddaala, Xildhibaan Maalik Cabdalla, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Guddoomiyaha degmada baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo Cali Cismaan Cabdi (Cali Guud) oo ka mid ah abaanduulayaasha ciidanka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya mabaadii’da ku qotoma Tiirka Dib u Xoreynta iyo Sugidda Amniga, ayaa wuxuu tallaabadan u qaaday si uu u dhiirigeliyo naftood hurayaasha ku sugan jiidda hore ee dagaalka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Leave a Reply