Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dhul-beereed ku yaalla halkaas uu qabsaday dab xoogan oo geystay Khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.
Dabkaas ayaa waxaa uu sigaar ah u qabsaday dhul-beereed ku yaalla deegaanka Ceel-ducaale oo hoostaga Magaalada Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug, waxaana dabkaas uu yahay mid weli socda oo aan la demin, mana jiro gurmad halkaas gaaray

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dabka uu ku geeriyooday hal ruux oo goobta ka Agdhawaa, waxaana sidoo kale jiro Khasaaro uu dabka u geystay dhul-beereed, iyadoo qiiq iyo uuro hawada sare laga arkayo.
20-ka bishii lasoo dhaafay ee Luuliyo ayay aheyd markii sidaan oo kale uu dab xoogan u qabsaday dhul beereed ballaaran oo ku yaalla deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug, waxaana dabkaas uu baaba’shay Ku dhawaad 20 beerood.