Dabeyl Ruxday Dhismayaal Ku Yaal Magaalada Jowhar

JOWHAR-

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas ay ka kacday Dabeyl xoogan oo dadka deegaanka ay dareemeen.

Dabeysha oo muddo kooban socotay ayaa waxaa ku dumay laba Guri oo ku yaalla xaaladda hantiwaag ee Magaalada Jowhar, isla markaana labada Guri ee dumay ay deganaayeen dad shacab ah.

Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in mar qura Magaalada laga dareemay dabeyl xoogan oo dumisay guryo ka dhisnaa jiingado, mana jiro wax Khasaaro nafeed oo ka dhashay, hayeeshee uu jiro mid hantiyadeed.

HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO

Sidoo kale dadka ayaa inoo sheegay in haatan xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana dabeysha ay istaagtay, sidoo kalena Hawada sare ee Magaalada Jowhar ay tahay mid aan laheyn daruuro roobaad.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Jowhar iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ka da’ayay roobab xoogan, isla markaana dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen, sidoo kalena dhulka uu yahay mid barwaaqo ah

Leave a Reply