9″Feb”2022″ Boosaaso
Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax xoogan uu dhowr iyo toban daqiiqo kahor uu ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad lagu shaah cabo oo ku taalla agagaarka xaafadda Macruuf ee Boosaaso, waxaana xiligaas ku sugnaa oo ku shaah cabayay Rag oo mar kasta goobta isugu tegi jiray.
Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halka dad kalena ay waxyeelo dhaawac soo gaartay, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Puntland.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in laamaha amniga Magaalada ay wadaan howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee galabta ka dhacay Boosaaso, sidoo kalena ma jiro wax faah faahin oo laga bixiyey qaraxa.
Si kastaba ha’ahaatee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo kala duwan oo isugu jiray miino iyo kuwa Is-miidaamin ah iyo dilal qorsheysan, waxaana inta badan falalka amni darro ee halkaas ka dhaca sheegta Al-shabaab iyo Daacish