Dad lagu qiyaasay 10 qof ooy ku jiraan masuuliyiin ayaa ku dhintay Tiro kale oo intaas ka badana way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay baladweyne

19″ February 2022″ Baladweyne Radio kulmiye

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii qof isku soo xiray wax yaabaha qaraxa uu isku dhax qarxiyay goob maqaayad ah oo ku taala magaalada Baledweyne.

Goobta uu qaraxa ka dhaxay ayaa ah meel inta badan kulamada iyo shirarka lagu qabto, waxaana lagu magacaabaa baar Xasan Dhiif, waxana ay ku dhagan tahay Buu壯陽藥 ndada Liiq-liiqato ee magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dadka qaraxa ku dhintay la sheegay in ay ku jiraan Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Dad shacab ah iyo masuuliyiin kale.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dbacay, iyagoona warbaahinta u diidaya in ay helaan xogta qaraxa.

Xaalad jahwareer ah ayaa ka taagan goobta qaraxu ka dhacay, waxana socda gurmad loo samaynayo dadka dhibaatadu ku dhacday.

Beledweyne waxay isu diyaarinaysaa maalinta berito ah, inay ka bilaabato doorashada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.

Leave a Reply