16″ February “2023
Ilaa 20 qof oo dhaawacyadoodu culus yahay oo reer #Laascaanood ah ayaa la geeyay magaalada Muqdisho si loogu dabiibo
Dadka dhaawaca ah ee #Muqdisho la geeyay ayaa waxaa ku jira caruur iyo dad waayeel ah kuwaas oo wax ku noqday dagaalkii 10 la maalmood ee ciidamada maamulka #Somaliland & xoogaga deeganka xarunta gobolka Sool
Waa qaybtii sadaxaad ee dhaawacyada dagaalka Laascaanood oo Muqdisho la keeno taas ooy iska xilsaartay hay,adda maareeynta masiibooyinka qaranka
Magaalada Laascaanood ayaa maanta xasilooneyd ,iyadoo xabad joojintii uu ku baaqay madaxweynaha Somaliland ay u muuqato mid ka hirgashay Maagaalda oo maanta aaney la jirin wax Iska horimaad ah