15″ June “2022” Dheeho.com”
Nin tima rasta ah ayaa dhexmaraya waddo ku taalla magaalada Muqdisho. Wuxuu gacanta ka hayaa wiil yar oo saddex iyo toban jir ah.
Waxay ka犀利士 doodayaan ciyaar galabta dhici doonto. Kooxdeeda ayaa badineysa! Mayee mideeda ayaa ka badin doonto midaada! Gadaashooda waxaa soo tilaaba-ordaya laba nin oo midabka mukulaasha mideeda madow leh.
Daqiiqado yar kadib waxaa la maqlayaa rasaas. Dhush dhac dhush dhac. Wiilkii yaraa furdug ayuu dhahay. Labadii nin baabuur ayey iyaguna ku baxsadeyn.
Laa ilaaha ilaahi ayaa dhulka xagiisa kasoo yeertay. Cirka waxaa kasoo dhacday lacnadii rebbi. Dadkii waxaa isku keenay shahaadadda dhulka kasoo burqaneysay. Dilaayaashii waxaa cirdeystay lacnadii eebbe. Intee galaa meel alle. Cunugii yaraa waxaa dib u soo celiyey naxariis uu ka bartay ninkaas dhulka weran.
Haddii wiilka yari awooda Jabriil lahaan lahaa labadaas nin wuu ka hortegi lahaa kahor falkooda foosha xun.
Haddii uu awooda jinka lahaan lahaa wuu ka dhex hadli lahaa kadib falkooda foosha xun sidaasna ku fashilin lahaa dhagartooda.
Dadkii soo xoonsamay waxay aqoonsadeyn inuu marxuumku yahay wiilkoodii magaalada u iftiimiyey markii nalka laga damiyey.
Haddii dadkaas tirada badan ahaan lahaayeen oksijiinka(oksygen) hawada waxay dilaayaasha ku noqon lahaayeen karboonka midkiisa dilaaga ah(carbonmonoxid).
Laakiin awoodooda ayey ku soo gaabiyeen inay dhab hadlaaan: nin wanaagsan ayuu ahaa. Allow u naxariiso ayey isku waafaqeyn heshiis la’aan.
Dhalinyaradii cayaaraha waxa ay go’aansadeen in kulankii maanta la baajiyo maadaama aabbihii dib u furay garoonkii isbartiibada naftii laga bililiqeestay.
Ardaydii iskuulkiisii xirfada dhiganeysay waxa ay dareemeyn maqnaashaha macalinkoodii madaalaha ahaa laakiin waxa ay isku dhiirageliyeen inaysan nolosha wanaagsan marna ka quusan.
Wadooyinkii Muqdisho waxa ay waayeen nalalkii ka waardiyeenayey mugdiga iyo tuugada iyaguna waxay ashtako u dirsadeen cida walbo oo fahmi karto luqada iftiinka.
Maalintaas iyada ah. 9 March 1996 dii waxa ay aheyd maalin murugo badan. Sanadku waxa uu ahaa sanadkii 1996 markii. la dilay alle ha u naxariisto Elman Cali Axmed oo naftiisa ku waayey inuu ka hortegay carruurta iyo dhalinyarada in la askareeyo
Inuu rajo ku abuuray dhalinyaradii magaalada Muqdisho dibna u furay gaaroonkii isbartiibada sidoo kalena aasaasay kooxda caanka ah ee Elman.
Inuu magaalada nal ugu deeqay xilli mugdigu magaalada saaxiib ka dhigtay.
10-maalmood kadib waxaa taariikhda adduunka geliyo magaca Elman. Nabad ayuu ka shaqeeyey xilli nabadu aysan jidhin.
Isaga shaqsiyan dadaalkiisa waxba kuma noqon laakiin xoogiisii iyo maankiisii wuxuu ku badbaadiyey dhalinyaro iyo carruur soomaaliyeed. 10 maalmood kadib waxaa Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika ku soo biirayo taariikh hor,leh. Qofkii ugu horeeyey ay Geeska afrika ay ku guuleesto biladda ugu sharafta badan adduunka.
Dadaalkii uu bilaabay 30-sanadood kahor Elman waxay kamid noqon doontaa taariikhda wanaagsan ay laga sheekeeyo markii lasoo hadal qaado dagaalkii sokeeye ay dalkeena burburiyey.
Dadaalkii uu bilaaba 30 sanno kahor ayaa gabadhiisii iney halkiisii kasii wado lagu abaalmarin dhawaan abaalmarin mida ugu sareyso caalamka.
Tani waxay tusaale nool u tahay qofkii hal timir beero inuu geed timir ah helayo. Geed labeertana waxaa ugu wanaagsan dalkaada oo la badbaadiyo iyo dadkaado oo loo na xariisto.
Haddii timir aad beertay daraadeed laguu dhibaateeyo waxaad ogaataa waxaa imaan doonto maalin uun timirtii aad beertay laga mahadceliyo.
Haddii kuwii aad u beertay kuu mahaqnaqi waayaana, dunida ayaa mahadnaq iyo marqaati kuu noqon. Dalkaada iyo dadkaadana waxaa u soo jiidi taariikh ay ku faannaan sidoo kalena jiilalka dambe wax ka bartaan.
Elman Cali Axmed, qoriga dhig ee qalinka qaado. Aabbihii Udhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliya