Dadka Ka Firxanaya Dagaalada Ethiopia oo Tiradoodu Sii Kordhayso

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka tan iyo 4-tii November oo uu Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed u diray ciidanka difaaca qaranka in ay howlgallo ka fuliyaan gobolka Tigray, ka dib markii uu ku eedeeyay ciidamada gobolkaasi in ay weerareen saldhig militari.

Dad ka badan 14,500 oo qof oo Itoobiyaan  ah ayaa u qaxay dalka Sudan, waxayna hay’ada qaxootiga u qaabilsan QM sheegtay in dad badan oo kale ay ku sii socdaan dalkaasi.

Jimcihii, Wakiilka Sare ee QM ee xuquuqul insaanka, Michelle Bachelet, ayaa muujisay qeylo dhaan ku aadan xaaladda sida degdegga ah uga sii daraysa ee gobolka Tigray.

Afhayeenkeeda, Rupert Colville, ayaa sheegay in Bachelet ay si gaar ah uga xanuunsatay warbixin ay soo saartay Amnesty International oo la xiriirta dilal wadareedyo la sheegay in ay ka dheceen deegaanka Mai-Kadra ee koonfur-galbeed gobolka Tigray.

Amnesty ayaa sheegtay in sawirada iyo muuqaallada laga helay goobtaasi ay muujinayaan boqolaal qof oo si xun loo dilay. Waxa ay sheegaysaa in dhibbaneyaashu ay u muuqdeen in ay ahaayeen xoogsato aan lug ku lahayn howlgallada militariga.

Leave a Reply