19″ December “2022
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis ufidiyey qaar kamid ah Maxaabiista xaga siyaasada ugu xirnaa Xabsiyada Koofur Galbeed halkii uu Isaga cafis warsan lahaa wixii ka dhacay gobolka baay markii 4 sano ka hor maanta oo kale xoog lagu geeyay kursiga madaxweynanimda k/galbeed
Madaxweynaha ayaa cafis u fifiyay dhalinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo isagoona ka bixiyey Deemihii lagu lahaa qaar kamid ah Maxaabiista.
Maamulkii farmaajo ayaa u adeegsaday xoog in lafta gareen Ku geeyo mamul koonfurgalbeed ka dib iska hor,imaad dhiig badan Ku daatay
Ergaygii xiligaas Qaramada midoobay u qaabilsanaa somalia ayaa warqadd u diray xukuumada Rasiwasaare Khayre si ay uga soo hdasho saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mans壯陽藥 uur ee dhacay 13-kii bishii Diseembar, iyo rabshadihii xigay ee la sheegay inay ku dhinteen 15 qof oo rayid ah.
Wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya ee maamulkii hore ayaa ku amartay wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom in uu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo uu u diray wasiirka amniga gudaha.
Wasaaradda arimaha dibedda ayaa ku wargelisay xiligaas xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin dalka isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan iyadoo aqonyahanada somalia indheergarataduba la yaaban yihiin habdhaqanka a wood sheegashada leh nidaamkii farmaajo oo ciidamada itoobiya u adeegsaday in ay ku aamusiso kacdoon dadweyne farabadan oo taageero u ah Muqtaar Roobow ay ka dhigayeen magaalada baydhabo