4″ September “2022”Radio Kulmiye

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in shacabka deegaanka ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Wariyaha KNN ee magaalada Cadaado Xasan Axmed Maxamed ayaa soo sheegaya in dadka shacabka ah ee deegaanka Cadakibir ay billaabeen in ay qaataan hubka, si ay isaga difaacaan dagaalameyaasha Al-shabaab.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shacabka oo ku hubey犀利士 san nuucyada kala duwan ee hubka, iyaga oo hal goob ku soo bandhigay Ciidan ay iska soo xuleen.
Al-shabaab ayaa toddobaadkii hore qarxiyay ceelal iyo xarruumo isgaarsiineyd oo ku yaalla deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud