11- October-2023
Dadka SSC ma soo xuli doonaan 17-kii Xildhibaan ee Puntland doorashadeeda ka qeybgali lahaa horraanta sanadka soo socda ee 2024-ka sidaas waxaa yiri Madaxa Qaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) Dheeho News Every Day
Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada Khaatumo aysan ka dhicin doonin doorashada soo socota ee Puntland, taas oo haatan loo diyaar garoobayo.
Hoggaamiyaha SSC ayaa gebi ahaan ku gacan seeray doorashada Puntland, haddii ay noqon laheyd qof iyo cod ama xittaa xulistii isimada noqotoba.
Sababta waxa uu ku sheegay in reer SSC-Khaatumo ay haatan yeesheen maamul cusub, isla-markaana ay go’aan ku gaareen inay ka tashadaan aayahooda iyo kan deegaankooda.
Maamulkaas aan wax ka dhisnay ee reer Puntland nabad-gelyadiisa, horumarkiisa iyo iskaashigiisa baanu diyaar u nahay, Waxaanu diyaar u nahay inaan ahaano laba maamul oo daris ah oo walaalo ah oo iskaashada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC.
Arrintan ayaa ka dhigay in dadka reere SSC aysna soo xuli doonin 17-kii Xildhibaan ee Puntland doorashadeeda ka qeybgali lahaa horraanta sanadka soo socda ee 2024-ka.