Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka dib uga qaxay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidanka Booliska.
Dagaalka saaka ayaa ah mid aad u culus, waxuuna ka socdaa 4 jiho oo deegaanka ah, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka kasoo jeedo iyo ciidanka dowlad deegaanka oo indhowanahaan ku dagaalamayay halkaasi.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli sii socdo, wuxuuna saameeyn ku yeeshay dadka deegaanka oo haatan dareemaya culeys xoogan.
Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo saaka isaga cararay Dacawaley, kadib markii ay bilaabatay xabadda.
Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidamo badan oo boolis ah geeyay halka lagu dagaalamayo, si ay ula wareegaan deegaanka, balse waxaa diidan maleeshiyaad deegaanka.
Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horay uga soo saareen baaqyo nabadeed.
Dagaalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo isla todobaadka lagu dilay 5 askari oo kamid ahaa ciidanka dowlad deegaanka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi.
Waxaa kale oo jira dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.