Dagaalka guriceel oo sii daba dheeraanaya , daryeel la,aan caafimaad Iyo xaalada dadka barakacay

Monday “25” October “2021 Guriceel

Guriceel, Dagaalka wali sii socda daryeel la,aanta caafimaad Iyo dayaca dadweeynaha barakacay waxaa ka dhashay duruufo sii xumaanaya iyo danbiyo bani,aadanimo oo la galay

Waxaa maalinkii saddexaad xiisad dagaali ka jirtaa magaalada Guriceel ee Galmudug. Weli waxaa la soo sheegayaa dagaal goos-goos ah in uu ka dhacayo halkaas.

Dagaalka wuxuu u dhexeeyaa ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa dawladda federaalka, iyo malleeshiyaad taabacsan ururka Ahlu Sunna.

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay halka 40 qof ay ku dhawaacmeen dagaalkii cuslaa ee illaa shaley Guriceel ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna, sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka caafimaad ah iyo kuwa ciidanba.

Saraakiisha ku dhintay dagaalka waxaa ka mid ahaa taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug, Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle), iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ahlu 

Xiisadda gobolka ka taagan ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo Khamiistii markaas oo dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna, deegaanka Bohol oo isna ku dhaw Dhuusamareeb.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii horraantii bishan ciidamada ururka Ahlu Suna Waljamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel.

Xilliggaas wuxuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30Km u jira magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhawaad 10 qof halka dad badan ay ku dhawaacmeen, waxaana dagaalka lagu kala qabsaday gaadiid dagaal.

Dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Galguduud ayaa salka ku hayaa khilaaf u dhexeeyay maamul goboleedka Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca.

DARYEEL, LA,AAN

Waxaa sii xumaanaya xaaladaha bani,aadanimo dadkii ka barakacaya dagaalka maalintii labaad galay ee ka socda deegaanka guriceel iyada oo dhinacyada ku lugta leh dagaalka ee Galmudug iyo Ahlusuna aysan xurmeeyn ilaalinta goobaha caafimaadka

Tiro madaafiic ah ayaa la la eegtay Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel xili howlwadeenada isbitaalku ku guda jireen la tacaalida dad qaba dhaawacyo soo gaaray

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin Raxmo Axmed Diiriye ayaa sheegtay inuu burbur soo gaaray dhismayaasha iyo qalabka Isbitaalka, balse aysan jirin waxyeelo soo gaartay shaqaalaha iyo bukaanada ku jirtay isbitaalka

DAYAC

In ka badan Sodon kun oo qoys oo isaga barakacay guriyohooda oo ku yaala Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud tan iyo markii 1-dii bishan ay la wareegeen gacan ku heynteeda kooxda Hubeysan ee Ahlusunna .

Kooooxda Ahlusuna oo mudada ay joogtay ku dhow Afar todobaad ayaa dadwaynuhu waxa ay wajahayaan hubanti la’aan amni iyo dhacdooyin kale oo ay sii dheeryihiin dhaqdhaqaaqyad犀利士 a ciidan iyo dhufeysyada la dul geeyay aqalada dadwaynaha, goobaha waxbarashada, xarumaha ganacsiga iyo goobaha kale ee adeega Caafimaadka.

Qoysaska barakacey oo banaan joog ku ah tuulooyinka daafaha ka ah magaalada ayay isu heleen dhibicda roobka curtay ee dayrta iyo kuleelka qoraxda maalmeed oo aysan badankood hore ugu diyaar garoobin marxaladan adag.

Maamulka Degmada Guriceel oo dibad joog ka ah Xafiisyada ayaa ka walaacsan xaaladahan ka dhashey awooda hubeysan ee lagaga horyimid nidaamkii shaqeynayay ee dowladda, kaa oo sababey xaaladan bini’aadanimo ee kumanaankan qoys hareysay.

Cabdirisaaq Cabdullahi Faarax, Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Arrimaha Bulshada Guriceel ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay sida ay wax u socdaan ayaa ugu baaqay Ahlusunna in ay shacabka ka dul qaado dhufeysyada, isagoo fariin u diray hey’addaha samafalka oo uu waydiistay in ay shacabka lasoo gaaraan gurmadyo dhinac walba ah.

Xaalada cakiran ee Guriceel oo lafilan karo in ay maalmo sii jiitanto ayaa walaac badan kusii abuuraysa shacabka barakacey oo aan wali helin kaalmo, kuwaa oo hoos daadsan geedaha quracda ah.

Leave a Reply