20- August-2023
Dagaal u dhexeeyay ciidanka Booliska Puntland iyo kuwa DANAB ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana dagaalka uu ka danbeeyay kadib is faham darro soo kala dhex gashay ciidamada.
Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in askar ka tirsan ciidanka DANAB oo ku eedeeyay inay ay isticmaaleen maandooriyaha Khamriga ay is犀利士 ku dayeen inay weeraraan saldhiga xaafadda Israac ee Garoowe.
Taliye Fardafuul ayaa sheegay in iska hor-imaadka oo ka dhacay saldhiga xaafadda Israac uu ku dhaawacmay hal askari oo kamid ah dhinaca ciidanka uu hoggaamiyo Jimcaale Takar oo uu xusay in ciidankaas ay rabeen inay saldhiga kasii daayaan maxaabiiis ku jirtay.
Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ku eedeeyay ragga ka tirsan ciidanka Jimcaale in ay mas’uul ka yihiin wixii ka dhacay saldhiga Israac kadib markii sida uu sheegay ay isticmaaleen maandooriyaha Khamriga
Waxa uu sheegay in kooxda ay saldhiga geeyeen qof shacab ah oo ay gaarigiisa ku dhifteen gaari kale jir dilna u geysteen, isla markaana Booliska ka dalbadadeen in loo xiro qofkaas kadibna is-faham-waagu sidaas ku dhacay.