Muqdisho : Maamulka Gobolka Banaadir oo Bilaabay Dagaal ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya

Muqdisho-16″ December” 2021

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo masuuliyiin amni ayaa maanta ka qaybqaatay howlgalka lagu la dagaalamayo ka hortaga Sameeynta iyo isticmaalka maandooriyaasha noocyadeeda kala duwan .

Ciidanka amniga kusoo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo ka koobnaa Calaq, Xashiish iyo Qamri.

Dhisme ku yaal degmada Boondheere oo si dhuumaalasha ah lagu iibinaayay Daraagiska qeybihiisa kala duwan ayey ciidanka boliiska gacanta kusoo dhigeen,

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa muddo labo maalin ah howlgalo waxa uu ka wadaa qeybo kamid ah magaalada Muqdisho kaas oo lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya oo lagu iibiyo qeybo kamid ah Muqdisho.

Howlgaladan lagula dagaalamayo Maandoorriyaha ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Leave a Reply