22″ November “2022
Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.
Taliyaha Guutada 135aad ee Ciidamada Somaliland ee aaga Buuhoodle Gaashaanle Sare Cabdillaahi Dhagaweyne, oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Sahan, ayaa sheegay in Ciidanka Puntland soo weeraray Ciidanka Somaliland oo nabadgalyada sugaya.
Waxaanu yidhi.”Ciidanka Puntland ayaa soo qaaday weerar oo laba garab ah, garab qaybta booliiska ah oo uu taliyihii qaybtu wato, qaybna waxay ahayd qaybta Daraawiishta, dagaal ayaa halka ku dhex maray, ciidankaas nabadgalyada sugayay iyo nimankaas”.
Gaashaanle Sare Dhagaweyne ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana Ciidanka Somaliland ay dagaalka ku qabsadeen baabuur dagaal.
Waxaanu yidhi.”Dagaalkaasi khasaaro dhimasho iyo dhaawacba waa yeeshay, dhankooda intaanu ka warhayno 3 dhimasho ah iyo 7 dhaawac ah ayaa la sheegayaa, Somaliland nin askari ah ayaa dhaawac ka ah, 3 gaadhi oo laba tikniko tahayna waa laga qabtay Puntland”.
Waxa uu sheegay in markii dagaalku dhacay ay Ciidamada Somaliland ka shaqaynayeen sugida nabadgelyada Buuhoodle, oo shaqaaqo beeleed ka dhacday, isla markaana Ciidanka Puntland uu dhinaca kale ka joogay magaalada, kadibna Ciidamada Puntland ay soo weerareen Ciidanka Somaliland xili ay sugayeen amaanka odayaal dhaqameed deegaanka soo gaadhay.
Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa muddo dheer ku wada sugnaa deegaanka degmada Buuhoodle, balse ma jiraan dagaalo lamid ah kuwa ka dhacay gobolka Sool oo Buuhoodle ku dhex maray labada ciidan.