Dagaal u dhaxeeya AMISOM iyo Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya AMISOM iyo Al-Shabaab uu xalay dhacay, kaasoo la isku adeegsaday hub culus.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka dhacay Saldhiga Arbacow oo ay Ciidamada AMISOM degan yihiin, halkaasoo Al-Shabaab ku soo qaaday weerar culus.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay rasaas culus iyo madaafiicda garbaha laga tuuro ku soo weerareen saldhiga.

Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarka, kuna jawaabeen hub culus.

Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya inay maqlayeen hub culus oo labada dhinac is weydaarsadeen, lamana soo sheegin haddii dad shacab ah wax ku noqdeen.

Lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, maadaama halka dagaalka ka dhacay tahay goob ciidan oo ay adag tahay in faah faahin laga helo

Leave a Reply