Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo AL-shabaab oo ka socda deegaan kab tirsan Beledweyne

1″ Feb “1023” Radio Dalsan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo garabsanaya kuwa dowladda Soomaaliya uu ka socda deegaanka Beer-xaanno oo dhaca Koonfurta Beledweyne.

Wararkuw axaa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka dambeeyay kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaanno ay isku uruursanayeen dagaalamayal ka titsan AL-Shabaab.

Goobta uu dagaalku ka socda ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gaareen Ciidamo gurmad ah uu hoggaaminayo Taliye Xasan 壯陽藥 Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad.

Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaalkaasi, balse ilaa iyo hadda ma cadda tirada dhiamshada iyo dhaawaca, waxaana adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah, maaddaama sida wararku ay sheegayaan uu wali socdo dagaalku.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijyay in in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen dagaalamaayasha AL-Shabaab, waxaana intaas ay kud areen in ay ka saareen deegaano aay kamid yihiin Beerxaano Tarashante Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Beledweyne.

Leave a Reply