Dagaal xooggan oo Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmarayo afaafka hore ee deegaanka Bacaadweyne

14″ February “2023”

Warrarka ka imaanaya gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dawladda oo ay taageerayaan kuwa maamullka Galmudug ay ku sii dhawaanayaan magaalada Bacaadweyne oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac uu ku dhexmarayo tuulada Qaycad oo qiyaastii afar kilo mitir u jirta Bacaadweyne sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

Illaa hadda faahfaahin lagama hayo inta uu la egyahay khasaaraha uu dhaliyay dagaalka ka socda Qaycad.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe ayaa BBC-da u sheegay in ciidamadu ku dhawyihiin inay galaan Bacaadweyne, wuxuuse sheegay in dagaal ka socdo tuulada Qaycad oo ku dhaw Bacaadweyne.

Al-Shabaab ayaa qabsatay deegaanka Bacaadweyne bishii August sanadkii 2021 kadib markii ciidamada dawladdu isaga baxeen.