27″ March “2022
Dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar culus ku qaadaysaldhigg ay Ciidammada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin Deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari.
Dadka deegaanka ayaa sheegay iney arkayeen Qiiq iyo Holac gudaha xerada ah, iyadoo kooxda Shabaab oo weerarka sheegatay ay tilmaamtay in xerada ay la wareegeen oo ay iyagu dab qabadsiiyeen.
Ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku aadan weerarka lagu qaaday saldhigga Af-Urur, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan horey u weerartay saldhigga Ciidammada Daraawiishta ee Af-Urur, weeraradaas oo geystay khasaarayaal kala duwan.