20″ June “2022” Ceelbuur”
Wararka ka’imaanayo degmada ceelbuur ee gobolka galguduud ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab aya xoog kula wareegeen isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur.
Xogtu waxa ay sheegeeysaa in Dagaalamayasha Al-Shabaab ay isbitaalka geeyeen dhaawac faro badan, kuwaa oo kusoo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.
La wareegitaanka isbitaalka ayaa yimid kadib markii lagu soo jabiyay weerar ay argagixisadu ku qaaday deegaanka baxdo oo ku dhaw dagmada cadaado
Dadka degaanka ayaa warbaahinta muqdisho u xaqiijiyay in dhaawacyada dagaalamayasha Al-Shabaab, oo aan la ogeeyn inta ay gaarsiisan yihiin tiradooda oo la. keenay isbitaalka ay sababtay dadka shacab ah iloo diido isbitaalka in ay galaan iyadoo duulaankii baxdo la xaqiijinayo in looga dilay agagixisada in kabadan 70 nin
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye qoor qoor ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida ay uga hortageen falkii argagixiso ee Jimcihii dhacay
Karie ayaa ku tilmaamay iska caabinta dadka deegaanka ee ka dhanka ah maleeshiyada alshabaab in 犀利士 uu yahay mid taariikhi ah, isaga oo sheegtay in in ka badan 70 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay dagaalkaas
Xiriiro aynu la samaynay masuuliyiinta isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaannan suurta gelin maadaama Dagaalamayasha Al-Shabaab ay ku qasbeen in xogtaan banaanka loo dusiyin.
Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaa 28 bishii aynu soo dhaafnay xarigga laga jaray ka gadaal markii dadka degaanka oo is kaashano ay dayactir ku sameeyeen isbitaalka sidoo kalana qalab iyo dawooyin ay geeyeen dadka degaanka.