Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
28″ December “2021” Tifatiraha Elmi Osman Farah “Boodhari”
Dadbadan oo soomaaii ah ayaa rumeeysan Dagaal dhinaca sumcad xumeeynta Rooble oo uu kaga jawaabay Farmaajo kiiskii ikraan tahliil In uu yahay waxa dab ku sii huriyay qilaafkii ka taagnaa habaraaca doorashada ay dib,u dhacyadu hareeyeen ee dalkeena somalia
Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir, uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeeyay inuu guri raaxo ka dhisanayo dhul uu sheegay inay leeyihiin ciidammada badda ee dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa magacaabay guddi soo baara eedayn uu taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir, u jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen
Waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalo la sheegay in laga soo duubay Taliyaha Ciidammada Badda, kaas oo ku eedeenayo madaxda qaranka oo uu Ra’isulwasaaraha ka mid yahay inay ku lug leeyihiin dhulka Ciidanka Badda ee loo adeegsaday arrimo shaqsiyadeed. Waxaa lagu farayaa taliye inaad baaritaan deg deg ah ku sameysid arrintaan, sidoo kalana aad ka qaadatid tallaabo waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka,” ayuu bayaanka ku yiri wasiirka gaashaandhigga.
Hasayeeshee bayaankaasi waxaa ka daba yimid bayaan kale oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga oo uu ku saxiixan yahay wasiir Xasan Xuseen Xaaji, kaas ii soo baxay maanta, laguna caddaynayo cidda baaritaanka lagu samaynayo.
“Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u cadaynaynaa in warqadda uu soo saaray wasiirka gaashaandhigga… ay ujeedadeedu aheyd in baaris rasmi ah lagu sameeyo hadalkii gafka ahaa ee ka soo baxay sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo si ka baxsan nidaamka iyo anshaxa ugu gafay ra’iisul wasaaraha qaranka. Baarista ayaa khusaysa oo kaliya sarkaalkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xukuumadda Xilgaarsiinta oo Digniin U Dirtay Saraakiisha Ciidamada Iyo Hay’addaha Dowladda
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa uga digay ciidamada inay ku milmaan siyaasada isla markaana loo adeegsado inin lagu dhiirado sumcad dilka Ra’iisul Wasaaraha.
Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al- Cadaalla ayaa sheegay in tilaabo laga qaadi doono cid walba oo ku kacdo arrimo aan sharci ahayn.
MAXAA DHALIYAY ?
Eedaha musuq maasuq ee loo jeediyay Rooble runtii ma,ahan kuwo Iska timid balse waxaa la dhihi karaa waa jawaab ay Farmaajo iyo saaxiibadiis ka bixinayaan kiiskii sumcada ka xayuubiyay ee waayitaanka Nolol iyo geeri sarkaaladii Ikran tahiil faarax oo hayaddii ay kabtirsanayd ee NISA ay sheegtay in ay ileen kooxda Shabaab oo bayaan ay soo saareen Isaga fogeeyay ku lug lahaanshaha dilka sarkaladaas.
Farmaajo ayaa Roble Ku Qilaafay Cadaalad Ay Helaan Qooyska Ikraan Tahliil
Rooble, oo qoyska Ikraan “la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda.”ayaa balan qaaday in uu cadaalada horkeeni dooni dadkii ka danbeeyay dhibaatada loo geeystay Ikraan tahlii waxayna markiiba saameeyn ku yeelatay Hogaankii NISA oo ahaa FAHAD YAASIIN oo Farmaajo ka carooday shaqo ka joojintii uu Reysiwasaaruhu ku sameeyay
“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Rooble.
TIXRAACA QILAAFKA
Digniino caalami ah
Saaaxiibada caalamiga ee soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay heerka uu gaarsiisan yahay qilaafka isa soo taraya ee u dhaxeeya madaxweynihii hore ee Somalia maxaamed cabdulaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha dalka, maxamed xuseen Roobke
Dadka wax indha indheeya ayaa ku booriyay labada dhinac in ay xaliyaan khilaafka sii xoogaysanaya, kaas oo ay xulafadu u arkaan mid ka weecinaysa dawladda caalamku taageero howshii la dagaallanka ololaha hubaysan ee Al-Shabaab oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida.
Isniintii, Xafiiska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka digay in Washington “ay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaaddo kuwa hor-istaagaya waddada nabadda ee Soomaaliya”.
Isniintii, Xafiiska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka digay in Washington “ay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaaddo kuwa hor-istaagaya waddada nabadda ee Soomaaliya”.
Sidoo kale dabayaaqadii Isniintii, kormeerayaasha caalamiga ah iyo xulafadooda, oo ay ku jiraan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Mareykanka, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay, ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan “walaac qoto dheer” oo ku aaddan dhibaatada” sida ay ku warameen wakaaladaha Wararka
“Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay wax walba ka hormariyaan danta dalka, si ay u dejiyaan xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, ayna ka fogaadaan daandaansiga ama adeegsiga awood wax u dhimi karta nabadda iyo xasilloonida,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wadajirka ah ee “Saaxiibada caalamka oo sheegay in ay si isdaba joog ah walaac uga muujiyeen dib u dhaca ku yimid hannaanka doorashada Soomaaliya.”
Cabduqaadir Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka muqdisho ,ayaa yiri ” inkastoo ay xaaladdu u muuqato mid deggan, haddana waxaan ka cabsi qabnaa uu “suurtagalnimada rabshado.rabshado gacan ka hadal wata in aan laga baaqsan .
Farmaajo oo u dabaaldgaya bil ka dib sanadguuradii koowaad ee uu haysto madaxweyne aan sharci ahayn waxaa walaac ka haystaa magacxumada ka soo gaartay is,hortaaga kiiskii Ikraan tahaliil oo Rooble lagu cadaadiayay in uu u daayo hay,addaha cadaalada waxaana taas badalkeed Farmaajo uu meesha soo dhigay qorshe magacxumo iyo awood soo cesasho loo marayo ah eedo musuqmaasuq oo loo jeediyo Rooble ayay tiri Nasro maxamed oo ah aqoonyahanad ku nool magaalada Nairobi ” Nasro ayaa rumeeysan In aysan taasi noqon karin jwaab la barbara dhigi karo Kiiska Ikraan Tahliil
LA SOCO QAYBTA KALE Elimi Osman Farah Boodhari