5- October-2023-
Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab oo sanad jirsaday”
Madaxweyne xasan shiiq ayaa ka soo baxay madaxtooyada oo uu ka maqan yahay bilooyin si uu baacsado Argagixisada kadib markii uu badaly hogaan Iska daa in uu dan iyo hello ka yeesho dhibaatadii alshabaab ay ku heysay shacabkee lagu xamanayay dadkii ku hareereysnaa qaarkood inay xiriiro la lahaayeen Argagixisada
Hada Alshabaab waxay lumisay awooddii ay laheyd, kadib duulaan dhinacyo badan leh markii ay ku qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka
Argagixisada ayaa wajhday talaabo adag oo ka timid dowlad iyo dadweyne iskaashanaya tan iyo markii Mada犀利士 xweyne Xasan Shiikh uu kabaha u gashtay sidii uu dalka uga sifeyn lahaa cadow 2 sano ka hor canshuur ka qaadanayay dakadda Muqdisho .
Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hadda ku soo koobantay is difaacid oo kaliya, isla-markaana xukunkii iyo ciqaabtii ay ku hayeen shacabka ay meesha ka baxeen.
“Nimanka koontaroolkii waa lumiyeen maxkamado ma lahan, ciqaab ma lahan, garbaash ma lahan meesha waa ka baxeen wixii ay sameyn jireen ee looga cabsan jiray” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macallin oo ka hadlayay ololaha ciribtirka xagjirka
Wasiir Al-Cadaala ayaa isna tilmaaamay in Dagaalka Khawaarijta lagu qaaday uu keenay in awooddii kooxda ay wiiqanato
“Nidaamkii xukun ee u dhisnaa kooxda ayaa burburay, haddii ay ahaan lahayd qaababkii maamul, nidaamkii maaliyadeed iyo midkii ciidan” ayuu raaciyay hadalkiisa wasiir C/rahman Alcadaala
Hadalada masuuliyiintan ayaa imaanaya iyadoo 100%73 laga hortagey xasuuqii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay ku heeysay dadkeena islamarkaana laga xoreeyay deegaano badan oo dib u bilaabay inay nolol abuuraan