Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 8-aad

13″ February “2023

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 8-aad

Waxaa maalintii sideedaad magaalada Laasacaanood ka socda dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga ee Somaliland iyo xooggag ka soo jeeda deegaanka.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa BBC-da u sheegay in guryo dhowr ah ay maanta ku gubteen duqeynta ku socota magaalada. Somaliland ayaa ku dooday in magaalada ay kula dagaallamayso xooggag ay ku sheegtay argagixiso.

Dhanka壯陽藥 kale, waxaa xaalad adag wajahaya qaar kamid ah dadka ka barakacay dagaalka Laasacaanood ee u qaxay deegaannada u dhaw magaalada.

Jabuuti oo ka hadashay dagaalka khasaaraha dhaliyay ee ka socda Laascaanood

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay dagaalka maalintii 8-aad ka socda magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in xukuumadda uu hoggaaimiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay had iyo jeer u ololeynayso nabadda gobolka ayna marna faragelin arrimaha gudaha ee dalalka ay dariska yihiin.

Qoraal uu bartiisa twitter ku baahiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku yiri: “Somaliland ma codsan dhexdhexaadinta Jabuuti ee xaaladda Laascaanood. markaa Jabuuti waxay ku sii adkaysan doontaa siyaasaddeeda derisnimo ee caanka ah iyo dhexdhexaadnimada.”

Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 8-aad, waxaana tan iyo saaka la sheegay in dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalad

Somaliland oo sheegtay in Puntland ay ku furayso furin dagaal oo cusub

Jamhuuriyadda Iskeed madax-banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka waddo aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

“Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Soomaaliya ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa.” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda ka soo baxay.

Maamulka Puntland ayaa horay u beeniyay eedaymaha ay Somaliland u soo jeedisay ee ah inay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan deegaanka Tukaraq.

Dhowr maalmood ka hor ayay Somaliland ku sheegtay bayaan in ciidamada Puntland ay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood. Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa beeniyay eedeyntaas isaga oo sheegay in shacabka Laascaanood ay kacdoon sameeyeen.

Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 8-aad, waxaana tan iyo saaka la sheegay in dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Inkastoo dhinacyada dagaallamaya ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in xabbadda la joojiyo, ayaa haddana waxaa muuqata in dagaalka uu maalinba maalinka ka dambeeysa sii xoogaysanayo.

Leave a Reply