Dagaalyahankii C.IA. iyo Injineerka al-shabaab: Sarkaalkii loo diray Usaama Bin Laadin ee dhimashadiisa uu sabab u noqday weerar fashilmay oo ka dhacay Soomaaliya


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

27″ Wednesday ” October “2021 ” BBC

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay gawaari kolonyo ah oo ay leedahay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa xilli habeennimo ah u baxay si ay usoo fuliyaan howlgal khaas ah oo lagu bartilmaameedsanayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, balse sidii uu qorshuhu ahaa wax uma dhicin, sida lagu sharraxay maqaal uu qoray wargeyska New York Times.

Kolonyada oo ka baxay Muqdisho ayaa sii maray waddo xeebta barbar socota oo dhanka koonfureed ah, taasoo geyneysa dhulka ay gacanta ku hayaan xoogagga al-shabaab, oo sida uu wargeyskan xusay ka mid ah ururrada mintidiinta ee ugu halista badan qaaradda Afrika.

Tuulo badda dhinaceeda ah ayay gawaarida ku hakadeen, halkaasoo ay uga dageen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee iskaashanayay, waxayna durbadiiba weerar gaadmo ah ku qaadeen guri ay ku dileen dhowr xubnood oo mintidiinta ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Laakiin hal nin ayaa ka baxsaday goobtaas wuxuuna islamarkiiba soo laabtay isagoo si xowli ah u kaxeynaya gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo loogu talogalay ismiidaamin, wuuna qarxiyay.

Qaraxaas waxaa ku dhintay saddex Soomaali ah, askari Mareykan ahna dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Wuxuu ahaa Michael Goodboe, oo 54 jir ahaa, ka tirsanaa saraakiisha tababarka khaaska ah leh ee C.I.A-da, horayna ugasoo mid ahaan jiray ciidamada isugu jira kuwa cirka, badda iyo dhulka ee Mareykanka.

Waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ay militariga Mareykanka ku leeyihiin Jarmalka, balse 17 maalmood kaddib ayuu u geeriyooday dhaawicii.

Geerida Mr. Goodboe waxay ahayd mid ka mid ah kuwa dhifka ah ee Mareykanka Mareykanka kasoo gaara dagaalka dadban ee ay tobanka sano kula jiraan al-shabaab.

Dagaalyahan taariikh leh oo ku jiray dagaal la hilmaamay

Sida uu maqaalkan ku sheegay Times, Michael Goodboe waxa uu ahaa shakhsi ka tilmaaman askarta kale, sidoo kalena ka mid ahaa dagaalyahannadii khaaska ahaa ee soo shaac baxay wixii ka dambeeyay weerarkii mareykanka lagu qaaday 9/11.

Koox ka kooban lix askari oo howlgallo khaas ah fuliya oo uu xubin ka yahay ayaa Afghanistan loo qaaday dhowr isbuuc uun kaddib markii ay dhaceen weerarradii Sept. 11.

ee magaalada Kabul, waxa uuna ku biiray kooxdii ugu horreysay ee loo yaqaannay “Omega Team” – oo ah askar lasoo xushay oo isugu jiray militari iyo C.I.A, kuwaasoo loo xil saaray inay ugaarsadaan Usaama Bin Laadin iyo shakhsiyaad kale oo baxsad ahaa.

Bin Laden

Saraakiishii lasoo shaqeeyay Mr. Goodboe, waxay ku naaneysi jireen “Goody” oo micnaheedu yahay nin wanaagsan, kaasoo ay ugu bixiyeen hab dhaqankiisa. Waxay intaas ku dareen inuu saaxiib lasoo noqday dadkii dadkii reer Afghanistan ee uu lasoo shaqeeyay iyo markii dambe kuwii Soomaaliya uu kula kulmay, oo ay ka mid ahaayeen askar uu tababar siiyay.

Waa kuma hoggaamiyaha sare ee al-Shabaab horayna uga tirsanaa telefishinka Al-Jasiira?

Ninkan waxa uu wargeyska aan maqaalkan kasoo xigannay ku naaneysay “Macallinka bambada sameeya”.

Dadka Soomaalida ah ee ay mar is yaqaanneen waxay sheegeen in Cabdullaahi Cismaan Maxamed uu ahaa qof aan laga fileynin inuu noqdo hoggaamiye jihaad doon ah, sida lagu xusay maqaalka Times.

“Wuxuu ahaa qof saaxiibtinnimo leh, firfircoon oo waji carruur leh,” ayuu yiri nin magaciisa ku soo kooban Maxamuud oo ay horay isula soo shaqeeyeen, kaasoo wareysi siiyay wargeyska fadhigiisu yahay Mareykanka.”Waa nin aad u caqli badan, aad u qurxoon. Waxaan mar walba la yaabaa sida uu ku noqday qofka lambarka koowaad uga jira liiska argagixsada.”

Bishii September ee sanadkii 2020-kii, Xog hayihii Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa saxiixay amar liiska argagixisada caalamiga ah loogu darayo Mr Maxamed oo sidoo kale loo yaqaanno “Ingineer Ismaaciil”.

Qoraal lasoo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu yiri: “Maanta, Waaxda Arrimaha Dibadda waxa ay u aqoonsatay Cabdullaahi Cismaan Maxamed iyo Macallim Ayman, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sarsare ee al-Shabaab, oo ah urur al-Qaacida gacan saar la leh oo fadhigiisu yahay Soomaaliya, inay labadooduba ku jiraan liiska Argagixisada Caalamiga ah (SDGTs) iyadoo loo cuskanayo qodobka dastuurka ee 1(a)(ii)(B) eeamarka (E.O.) 13224.”

Sida ay Mareyknaku sheegeen, waa ninka ugu sarreeya ee Al-Shabaab u farsameeya waxyaabaha qarxa, waana madaxa garabka Al Kataa’ib. Waxay intaas ku sii dareen inuu a-taliye u yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya Al-Shabaab, Axmed Diiriye.Dadka Soomaalida ah qaarkood way kasii sarreysiiyaan intaas oo waxayba ku tilmaamaan in Maxamed uu ka mid yahay labada ku xigeen ee hoggaamiyaha Shabaab, sida uu qormadiisa ku sheegay New York Times.Waxaa lagu bartilmaameedsanayay weerar guul darreystay oo la fuliyay bishii November ee sanadkii hore, kaasoo uu dhaawac dhimasho noqday kasoo gaaray Michael Goodboe oo ka tirsanaa CIA-da, sida uu isla wargeyska Times kasoo xigtay sarkaal Soomaali ah oo howlgab ah iyo sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Hay’adda C.I.A way ka gaabsatay inay wax jawaab ah ka bixiso arrintaas. Sarkaal kale oo Mareykan ahna ma uusan xaqiijinin cidda uu bartilmaameedka weerarkaas ahaa.

Qaabab badan, ayuu Mr Maxamed wax ugu qabtay kooxda al-Shabaab.

al-shabab

Waxa uu kasoo jeedaa qoys dabaqadda dhexe ah oo ku adag ku dhaqanka diinta, oo muqdisho ku noolaa.Aabihiis waxa uu lasoo shaqeeyay Hay’adda Samafalka Islaamiga ah ee Al.-Xarameyn, oo ah hay’ad Sacuudiga laga leeyahay oo Mareyknaku uu 2002-dii ku eedeeyay inay gacan saar la leedahay ururka Al-Qaacida.

Mr Maxamed, oo markaas dhowr iyo 20 jir ahaa, waxa uu 2006-dii ka soo qalin jabiyay jaamacad ku taalla Suudaan waxa uuna billaabay inuu farsamada Studio-ga uga shaqeeyo xafiiska telefishinka Al Jaziira ee Muqdisho.

Waxaa madax u ahaa markaas Fahad Yaasiin, oo mas’uul ka ahaa laanta Al Jaziira ee Muqdisho, inkastoo markii dmabe uu noqday madaxa sirdoonka dowladda Soomaaliya.

Maxamed waxa uu markii dmabe waqti kuso qaatay xarunta dhexe ee Al Jaziira ay ku leedahay Qadar oo tababar loo geeyay.

Wuxuu ahaa waqti ay Soomaaliya si gaar ah uga dhacayeen isbadallo. Itoobiya oo taageero ka heleysay Mareykanka ayaa 2006-dii gudaha u gashay Soomaaliya si ay u burburiso ururki maxkamadaha Islaamiga ah. Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqeynayay saldhigyada xoogagga Islaamiyiinta ah.

Sida dad badan oo Soomaali ah oo kale, Mr Maxamed waxa uu ka carooday arrintaas, sida uu sheegay qof saaxiib la ah qoyskiisa oo magaciisa u qariyay amnigiisa awgiis.

Itoobiya iyo Soomaaliya waxa uu dagaal kharaar dhex maray 1977-78-kii, walina cadow ayay isku ahaayeen.Mr Maxamed durbadiiba waxa uu billaabay inuu kasoo ifbaxo al-Shabaab, oo ahayd garab ka mid ah ururki maxaakiimta ee laga adkaaday.

Markii lasoo gaaray 2008-dii, Al Shabaab waxay noqdeen mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Soomaaliya, iyagoo heystay kumannaan qof oo u dagaallamayay.

Howlihii uu Mr Maxamed usoo qabtay kooxdan kasoo horjeedda dowladda iyo ciidamada ajaanibta ah ayuu ku muteystay qaddarin badan oo xubnaha al.-Shabaab iyo hoggaankooda dhexdooda ah, sida uu sarkaal reer galbeed ah u sheegay New York Times.

Leave a Reply