Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bartamaha Soomaaliya

7″ November 2022″ Reuters

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bartamaha Soomaaliya

Dagaalyahano looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Galgaduud, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga, maalmo kadib markii deegaankaasi ay qabsadeen ciidamada dowladda.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa iska caabiyay weerar lagu soo qaaday Saldhig ay degan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka oo ku yaalla deegaanka Qayib oo todobaadkii hore lagala wareegay Al-Shabaab, sida uu Wakaaladda Wararka ee SONNA u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga C/llaahi Cali Caanood.

Weerarku wuxuu ku billowday laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay abaarihii 5-tii aroornimo ee xilliga dalkaas, waxaana xigay dagaallo culus oo saacado socday, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Axmed Xasan oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga oo ku sugan magaalada Bahdo ee u dhow.

Ilaa hadda ma cadda tirada dadka lagu dilay weerarka, ayuu yiri Xasan.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka dhanka howlgalada ee Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayuu ku sheegay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Qayib oo ay u adeegsadeen qaraxyo ismiidaamin ah ka hor inta aysan dagaalyahanadooda ka weerarin jihooyin kala duwan. Dagaalyahanada ayaa sheegay in ay dileen dhowr askari islamarkaana ay ka dhaceen hub iyo gaadiid dagaal sida uu sheegay Abuu Muscab.

Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Maleeshiyo beeleed, ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyay guulo kala duwan ka gaaray Al-Shabaab, iyagoo dib u qabsaday dhul ay muddo gacanta ku hayeen.

https://twitter犀利士 .com/BoodhariFarah/status/1589631510768123904?t=NmApQstjHMMTDqWd1xsISw&s=19

Iyadoo taas ka jawaabeysa, Al-Shabaab ayaa ugu yaraan 100 qof ku dilay labo baabuur oo qaraxyo ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda waxbarashada ee caasimadda Muqdisho, 29-kii October, waana qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa ee muddo shan sano ah.

Qarax Ismiidaamin ah ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii maanta oo Sabti ah uu ka dhacay meel ku dhow Xerada Tababarka Ciidamada ee magaalada Muqdisho.

Al-shabaab oo ah koox hubaysan oo Al-Qaacidada Soomaaliya ka dagaalanta muddo ka badan toban sano ayaa doonaysa inay xukunka ka tuurto dawladda dhexe ee dalka oo ay samaysato xukun u gaar ah oo ku salaysan tafsiir adag oo shareecada Islaamka ah.

Dagaalyahanadeeda waxaa Muqdisho ka saaray 2011kii ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika. Laakiin waxay weli gacanta ku haysaa dhulalka Soomaaliya, waxayna kordhisay weerarada tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska la wareegay bishii May, wuxuuna ballan qaaday “dagaal dhan walba ah” oo ka dhan ah kooxda.

Leave a Reply