Maleeshiyo kawada tirsan Al-Shabaab ayaa Isku dilaya meel u dhaxeeysa magaalooyinka Ceelbuur Iyo Guriceel

21- October-2023- Caasimada Online”

Maleeshiyo kawada tirsan Al-Shabaab ayaa Isku dilaya meel u dhaxeeysa magaalooyinka Ceelbuur Iyo Guriceel iyadoo uu isi soo tarayo xogaha laga helayo dhinacyada dag犀利士 aalamaya.

Dadka ku sugan tuulada Burujeed oo ku show halka dagaalku ka socdo ayaa ku waramay inay maqalayaan daryaanka hubka noocyadiisa kala duwan oo labada maleeshiyo ay is dhaafsanayaan .

Lama yaqaan inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalka alshabaab dhaxdeedka ka qaraxay laakiin waxaa la xaqiijiyay inay labada ciidan ee argagixisasa ka wada tirsani inay kala hogaaminayaan, labo sarkaal oo u kala dhalatay beelaha Duduble iyo Cayr ee Habargidir,

Cabdullahi Maxamed Xiirey oo caan ku ah magaca Cabdullahi Horeeye ayaa hoggaaminaya dhinac ka mid ah dagaalyahanada Shabaab ee ku dagaalamaya Galgaduud, ninkaan ayaa ka soo jeeda beesha Cayr, gaar ahaan jufada Habaraji oo dhawaan ay Shabaab ku weerareen deegaanka Burujeed.

Dagaalkaan ayaa qarxay maalmo kadib markii ay kooxdu ka soo laabatay weerarkii Burujeed, kooxda ayaa fariisin ka sameysatay meel aan ka fogeyn deegaanka Burujeed, waxaana qorshaha ka socda aagaas ka soo horjeestay Cabdullahi Horeeye oo soo jeeda jufada Habaraji Cayr, kana tirsan saraakiisha Shabaab.

Ninkaas ayaa la sheegay inuu diiday in Shabaab sii deganaado aagga Burujeed, waxaana qorshihiisa ka biyo diiday nin isaga ka sareeya oo ka soo jeeda beesha Duduble, halkaas ayuu ka bilowday dagaalku.

Kooxda ayaa aad isku leysay 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa la sheegay in dagaalka ay kala hoggaaminayaan labadaan sarkaal, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa weerarkii ay Shabaab ku qaadeen beesha Cayr oo degan tuulada Burujeed.

Leave a Reply