21″ April “2022” Dheeho
Axmed Cilmi Cismaan Axmed karaash oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo in uu la wareegay xilkii madaxweynanimada maamulka Putland ka hor inta uusan Madaxweyne Deni u guurin Muqdisho oo uu doonaayo in uu Musharax ka noqdo
Dag, Daga Axmed Karaash
Axmed karaash oo sheegay in isaga oo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda goboleed Puntland.ayaa ugu baaqay dhammaan Hay’adaha maamulka butland in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Puntland oo uu rumaysan yahay in Isaga ay xaq u siinayso sii hayanimada hogaanka maamul goboleedka uu markii hore ka ahaa madaxweyne ku xigeen tiiyoo dani uusan wali ku dhawaaqin Iska casilaada xilkii uu ka hayay maaulkaas.
Damac Dheerida Dani
Siciid cabdulahi dani oo soo boobay kuraasta xildhibaanadii uu ka soo xushay deegaanada putland kuna tashanaya xildhibanada jubland oo axmed madoobe uu si gaar ah ugu soo xulay ayaa soo gaaray muqdisho kiiyoo wali ka cagtaagleeynaya in uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa
kal犀利士 sooni,darada uu ka qabo in ay suurtagal noqon weeyso Somalia oo uu madaxweyne ka noqodo kiiyoo xilkii uu ka hayay butlan Isaga tagay waxay axmed karaash Ku dheereeysay sugitaanka
Waa taas sababta keentay dani in dadka u dhuun daloola siyaasada somalia ay ka qaataan fagar ah in uu socdo gorgortan si uu dhisayo madaxweynaha socda isana u helo jagada Raysilwasaaraha dalka
Dhaq,dhaqaaqyada Dani uu Muqdisho Ka Bilaabay waxaa ka mid ah la kulanka shiiq shariif
Inkastoo Imaansha madaxweynaha putalnd ee Muqdisho loo macneeysan karo mid aan ka duwaneeyn joogitaanka dhamaan madaxda dowlad Gobaleedyada oo caasimada Ku wada sugan xili muqdisho si weyn looga dareemayo xusul,duubka loogu jiro loolanka doorashada gaar ahaan doorashada dhawaan la filayo ee guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11 aad .
Ka Tanaasulid la,aanta xilka butland ee Siciid dani waxay muujinaysaa in laf,ahaantiisa uu rumaysan yahay in uusan heleeyn madaxweyanimada somalia kiiyoo dastuurka putlan uu ku dhagan yahay
Maxaa loo fasiran karaa hadalka madaxweyne ku xigeenka?
Siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo dhowr jeer wasiir ka soo noqday maamulka Puntland ayaa BBC-da u sheegay in madaxweyne ku xigeenka uusan ka hadlin wax aan dastuuri ahayn, ee uu soo xigtay qodobka 81 oo sida uu sheegay caddeynaya in madaxweyne ku xigeenku uu xilka dowladda wadayo haddii madaxweynaha uu xilkiisa si ku meel gaar ah u gudan waayo.
“Aniga waxay iila muuqataa inay tahay wax uu xaq u lahaa awalba inuu wado shaqada dowladda Puntland, maaddaama uu madaxweyne Deni hadda isku sharraxay xilka dowladda federaalka Soomaaliya, uuna ka mashquulay shaqadii caadiga ahayd in uusan wadin, Puntland waa dhul ballaaran duruufo aad u badan ayayna leedahay, madaxweynaha kama wadi karo halkaas,” ayuu yiri.
Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inuusan xaalku ahayn sida ay dadka qaar u fasireen ee ah in inqilaab uu ka dhacay Puntland oo xilka uu la wareegay madaxweyne ku xigeenka Puntalnd. Wuxuu intaas ku daray in aan la ogeyn waxa haatan ku soo beegay hadalka madaxweyne ku xigeenka,
maaddaama horeba ay u dhici jirtay in Deni uu ka maqnaado Puntland, sidaasna uu xilka u sii hayo madaxweyne ku xigeenka.
Arrintan oo kale ayuu sheegay inay hore u dhacday xilligii uu madaxweynaha ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, markii uu isu soo sharraxayay xilka madaxtinnimada Soomaaliya, waxaana xilligaas madxaweyne ku xigeen ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Saciid Deni oo arrintaan la xiriira. Balse durba dadka qaar ayaa muujinaya in arrintaan ay u muuqan karto khilaaf hase yeeshee wali ma jirto xaqiiqda ah inuu jiro khilaaf.