Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dalabkii Madaxweyne Xasan Sheekh

28- September-2023

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS G/Sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo Saraakiil ka Tirsan CXDS ayaa Maanta kulan la qaatay Taliska ATMIS oo uu horkacayo Gen.Sam Okiding.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Gen.Sam Okiding ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda Guud ahaan gobolada Dalka.

Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsgii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilod ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS, sida ay xaqiijisay VOA.

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1707443907011789168?t=3Ix91N01_-tYrHLyHuUnUQ&s=犀利士 19

Waddamadan oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixintaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah.

Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaan dowladda Fedeeraalka ah dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan oggolaaneyn in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay dalka kaga sugan yihiin.

Leave a Reply