28,November, 2020,Istanbul “
Dowladda Turkiga ayaa War kulul kasoo saartay Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayada lagu iibiyo Jalaatada ee Devino ee ku taalla wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Turkiga aya si kulul loogu Cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad badan oo fadhiyay Maqaayada Devino,
Turkiga ayaa tacsi u diray Ehelada dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxa iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, halka ku dhaawacmay ay Alle uga baryeen inuu Caafimaad siiyo, iyagoona weerarkaas ku tilmaamay inuu ahaa mid Argagixiso ah.
“Waxaa si xoog leh u Cambaareyheynaa Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Devino, waxaana aad uga xunahay dadka ku dhintay weerarka, waxaana Tacsi u direynaa Walaalaheen iyo Dowladda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda A/Dibadda Turkiga.
8 Dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ku sugnaa xiligii uu qaraxu dhacaayay Maqaayada Devino, isla markaana waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab
