Muqdisho: Shaqaalaha Damdamisyada Hormuud ayaa ku guuleeystay Inay damiyaan dab khasaare geeystay oo ka kacay suuqa Bakaaraha

5- April-2024- Muqdisho

Howl,wadeenada Damdamisyada shirkadda Hormuud Telecom ayaa kaalin weeyn ka qaatay sidii loo damin lahaa dab khasaare hantiyeed geeystay oo ka kacay suuqa Bakaaraha, xili bulshada Muqdisho ay Isu diyaarinayaan duka壯陽藥 ameeysiga Ciidul_fitriga.

Dabka ayaa ka kacay suuqa Bakaaraha saaka abaairihii 7:30, gaar ahaan qayb lagu iibiyo dharka iyo kabaha, halkaasoo aad u mashquul badan.

Ilaa hadda waxaa la soo sheegayaa in dhulkaas oo lagu qiyaasay seddex ilaa afar baloog uu dabka qabsaday ahaa mid aan sababin khasaare nafeed.

“Sababta uu dabku u baabi’iyey ganacsigii qaybtaas ayaa ahayd ayadoo gurmadka dab damisyadu aysan degdeg ku soo gali karin, waayo markii ay wax dhacaan ka dib ayaa gurmad la abaabulaa, dariiqyadii la soo mari lahaana waa kuwo ciriiri ah, maadaama ay ka jirto saxmad badan oo dukaamaysiga ciidda uu aad u socdo” ayuu yiri Xasan Cabdi Axmed (Xoogsade) oo ah guddoomiyaha rugta ganacsiga suuqa Bakaaraha.

Xoogsade wuxuu dhaliil u jeediyay maamulka degmooyinka uu ku fadhiyo suuqa bakaaraha mar wax laga weydiiyey sababta uu dabku ugu soo noqnoqdo suuqa.

Mas’uuliyiinta degmooyinka suuqa uu ku fadhiyo ee gurmadka fidiyey waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha degmada Hawlwadaag Bashiir Cabdi oo dad goobjoogeyaal ahi ay BBC u sheegeen inu gurmadka ku soo biiriyey ciidan iyo cagafta baallaha loo yaqaanno.

“Waxaan is leeyahay ciddii awaamiirta bixin lahayd ee hawshaas shaqada ku lahayd ayaa gaabis ah, Marka ay dadku dukaamaysanayaan waxaa jira qshin madan oo u badan baco iyo baakado dabka aad u sii hurinaya, haddii uusan jirin qorshe dhanka maamulka ka yimaada oo dariiqyada aan la furin dhibaato ayaa ka dhalanaysa, waayo dadku isma maamulaan” ayuu sii raaciyey Xasan Xoogsade.

Dabka ayaa ugu dambayntii xooggiisa la bakhtiiyey, inkastoo ilaa casirkii meelo aan badnayn uu hadba meel ka dillaacayey, waxaana khasaaraha ugu weyn uu ka soo gaaray carwooyin halkaa ku yaallay.

“Wax alla wixii aan lahayn waan galinnay, wixii aan soo deynsan karnay oo shirkadaha aan ka soo qaadnayna waa nalaku leeyahay, waana wada gubteen” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku xoolo belay dabkaas oo ku qiyaasay in halkaa uu ku waayey badeecad uu sheegay inay gaarayso ilaa $200,000.

Mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka dabdamiska oo ka socday shirkad maxalli ah ayaa isna sheegay in ay dhibaato ku nqotay waddooyinka oo xirmay, ayna ku adkaatay inay helaan meel ay soo maraan, “seddex dab damis iyo laba booyadood ayaan ku soo galnay, waddooyinka in aan marno ayaana nagu adkaatay, laakin markii dambe alle wuu noo fududeeyey in aan dabka xakamayno” ayuu yiri.

Dad goobjoog ah waxay sheegeen in suuqa ay soo buuxiyeen dadkii meheradaha ku lahaa qaybta gubanaysa, kuwaasoo oo doonayey in ay badbaadsadaan wixi ay awoodaan.

Xilliyo hore ayaa suuqa Bakaaraha waxaa ku soo noqnoqday dab meradaha ku yaalla ka kacay, ka dibna khasaare weyn geystay. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dabkan uu halkaa ka kaco, waxaana loo malaynayaa in khalad xagga korantada ah uu la xiriiro, korantadaas oo dabkeedu uu ka billowday meel sandaqad ah.

Inkastoo aan weli qiimayn lacageed lagu samayn dhibaatada uu dabku gaystay, misna Xasan Xoogsade wuxuu BBC u sheegay in la qiyaasayo ilaa “dhowr boqol oo albaab (meheradood) oo isugu jira kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn in ay ku baaba’een”.

Xilliyada iidaha iyo munaasabadaha gaarka ah ayaa waxaa suuqa aad ugu soo bata ganacsatada yaryar ee waratada, kuwaasoo wadooyinka ciriiri ka dhiga.