Dani iyo Ciro maxay ka yiraahdeen xaalada magaalada laascaanood oo maalintii shanaad oo xiriir ah uu ka socda dibadbax ?


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

31″ December “2022

Siciid Dani iyo C/raxmaaan Ciro oo si gaar gaar uga hadlay xaalada magaalada laascaanood oo maalintii shanaad oo xiriir ah uu ka socda dibadbax looga soo horjeedo maamulka Somaliland

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa maalintii shanaad oo xiriir ah ka socda banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dadka magaaladaasi- Iyadoo Boqolaal dadweyne oo ka careeysan dilal ciidamada Somaliland ay u geysteen dad rayid ah ay isugu soo baxeen bartamaha magaalada

Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka Laascaanood ku xiray biro iyo dhagxaan waaweyn, isla markaana laamiga dhex-diisa ku gubaya taayaro.

Cabdiraxmaan Cirro oo baaq ka soo saaray xaalada Magaalada Laascaanood

Waxa sheegayaa xisbi ahaan in aynaan aqbalayn sida xukuumadu uga jawaabtay dibadbaxyada, ayuu yiri C/raxmaan Ciro oo ah musharax u taagan doorasho dib uga dhacday waqtigeedii

Mushadax Cirro ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay dhagaysato dareenka shacabka reer Laascaanood Isaga oo yiri waxa Laascaanood ka dhacay waxa ay lamid tahay wixii dhacay wakhtigii mudaharaadadii mucaaradka-Laakiin Siciid dani oo xubna ka soo jeeda gobolka sool ay xilal ka hayaan mamulkiisa Putland ayaa si xun u cambaareeyay sida somaliland ay ula dhaqan-tay xiisada ka alloosan magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii ugu horeysan muddo kadib war Qoraal ah kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood ayuu yiri Dani oo tirada dhimashada gaarsiiyay in ka badan 100 qof

War qoraalka ah oo uu soo saaray Madaxweynaha maamul-gobleedka putland ayaa lagu yiri “Waxaan kaloo la soconaa in ciidanka ugu badan ee maamulka Somaliland uu joogo Laascaanood iyo nawaaxigeeda, magaaladuna ay noqotay xero ciidan (military)

Qoraalka siciid dani ayaa ku bogaadiyay dadka laascaanood kacdoonka ay ka la horyimaadeen maamulka Somaliland Isaga oo Sidan u xusay “

” Shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay ee reer Laascaanood-Waxaan u sheegaynaa in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda

Hadalkaas danbe oo u muuqda mid sii Hurin kara xiisada hadaba kacsan ee magaalada laascaanood ayaa imaanaya Iyadoo aaneey jirin hal magaalo oo gobolka sool ka mida ah oo putland ay maamusho

Leave a Reply