Dani oo meel fagaara ah ka la hadlay taageerayaasha Xisbiga uu hogaamiyo ee KAAH,

MONDAY 27 “SEPTEBER ” 2021″QARDHO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo safar shaqo ku gaaray magaalada Qardho ayaa maanta taageerayaasha

Ururka KAAH kala qeybqalay isu soo baxa koowaad ee maalmaha ololaha doorashadda.Madaxweynaha ayaa markii uu qardho soo gaaray qaatay kaarka codbixiyaha si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa Qardho, Ufeyn iyo Eyl , 25- October 2021.

Intaasi kadib, Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu taageerayaasha KAAH kala qeybgalay isu soo baxa koowaad ee ololaha doorashada Ururka.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH, wuxuu uga mahadceliyay sida ay cududooda u muujiyeen iyo in ay door muhim ah ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo ah marxalad cusub oo Puntland gashay.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay bulshada isu soo baxday, in Golaha deegaanka ee ay si Qof iyo Cod ah ku doortaan uu noqon doono mid wax badan ka bedelan kuwii hore oo hurmar u horseedi doona, sidoo kale wuxuu xusay in KAAH ay fursad siisay dadka barakacayaasha ahaa oo hada Ururku usoo sharaxay ka mid noqoshada golaha deegaan degmada Qardho.

<犀利士 div class=”wp-block-image”>

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Golaha fulinta, xubnaha golaha dhexe ee Ururka KAAH iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho, Iyadoo sidoo kale isu baxyo kan la mid ah uu Ururku maanta ka sameeyay magaalooyinka Eyl iyo Ufeyn.

Leave a Reply