20″ December”2021″Baydhaba
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ku Baaqay In La Dardargeliyo Doorashada Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ugu horeyn bogaadiyey isku duubnida dadka reer Keenfur-galbeed iyo sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo wax-wada qabsiga,isagona sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu soo hadal qaaday halka ay marayaan arrimha doorashooyinka dalka
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu gaabis wali uu ku jiro habka ay doorashooyinka u socdaan isagona ku baaqay in la dar-dargaliyo doorashooyinka waxa una faray xubnaha Maamul Goboleedyada in soo dadajiyaan doorashada sid dalka uu u helo isbadal
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hakad ku jiro dhaq- dhaqayadii ganacsiga iyo waliba masharicdii lagu caawin jiray dalka gaabiska ka jira arrimaha doorashoouinka awgeed,waxa uu shegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha wadatashiga Qaran ay fadhi ka yeelan doonaan arrimaha doorashooyinka si shacabka soomaaliyeed iyo daneyaasha loogu cadeeyo xiliga sida rasmiga ah loo soo gabgabeyn doono doorshada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Faderaalka soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhanka kale hadalay Abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobolada dalka waxa uu sheegay in xaalad adag ay jirto,isagoona Guud ahaan Shacabka ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka ay Abaartu sameeysay.
Dadka dhahaya goleyaal hala sameeyo, teendhadii Carte ayay nagu celinayaan
Cabdullaahi Deni oo u muuqda in uu gaashaanka u daruuray aragti ay ku baaqeen qaar ka mid ah Midoowga Musharixiinta madaxweynenimada, kaas oo ahaa in la isugu yimaado shirweyne qaran oo looga arrinsanayo dowladnimada Soomaaliya ayaa yiri
“Dadka dhahaya goleyaal hala dhiso waxa ay dib noogu celinayaan teendhadii Carte, waana arrin qatar ah, aniga waan qabaa in wixii qaldan la soxo, meel ay hawl ka socotana wax waa qaldamayaan” ayuu yiri Deni oo ay u egtahay in kala xarig furteen Midoowga Musharixiinta.
Mar sii horeysay, midoowga Musharixiinta ayaa eedeeyay dhammaan dowlad goboleedyada, kuna eedeeyay sida ay u maamuleen doorashada labada Aqal ee baarlamaanka.
Dhanka kale Deni ayaa soo hadal qaaday arrimaha federaalka, wuxuuna xusay in marka laga hadlayo nidaamka federaalka ay tahay in ciidamada militariga oo keliya ay noqdaan kuwa dowladda dhexe hoos taga.
“Sanadkii hore markii aan halkan imid ciidamada oo dhami waxa ay ahaayeeb kuwa federaal ah, balse waxaa la rabaa in ciidamada booliiska, daraawiishta iyo kuwa kale ay noqdaan kuwa dowlad goboleedka leeyahay” ayuu yiri Siciid oo sheegay in uu hadda arkay ciidamo Koonfur Galbeed oo tabobar ka baxay.
Wuxuu sheegay in dowlad daadijinta lagu daro dhismaha hay’addaha dowladda, oo ay koow ka yihiin hay’adaha amniga ka shaqeeya.
Lafta Gereen , Doorasho dadban, haddane sii dadban
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo xalay ka hadlayay meel fagaaro ah ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in isaga uu ka mid ahaa dadkii qabay in doorashada ay kusoo dhammaan karto maanta oo taariikhdu tahay 20-ka bisha diseembar, 2021-ka.
Balse waxa uu sheegay in doorashada tahay mid caqabado badan “Doorashadani waa mid dadban, tii dadbanayd ee la yaqiinayna ma ahani, waa mid sii dadban” ayuu yiri Lafta Gareen oo ay hadalkiisa dhagaysanayeen Ra’isulwasaare Rooble iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kasoo qeybgalay xafladda sanad guurada 3-aad ee kasoo wareegtay markii isaga xilka loo doortay.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ku adkaysanaya in doorashada labada gole ay u qabteen si waafaqsan habraacyadii doorashada oo ay ku jirto caddaalad, isaga oo gaashaanka u duruuray cabashooyinka qaar ka mid ah bulshada ay qabtay, wuxuuna ku dooday in kursi kasta uu kusoo baxay qof ka mid ah beeshii lahayd kursiga “Idinka haddii aad dad kale u rabteen dadkaasi nooma aysan imaanin” ayuu yiri Lafta Gareen.
Dhanka kale , madaxweynaha Lafta Gareen ayaa aad ugu dheeraaday nidaaka federaalka iyo faa’iidada uu leeyahay, isaga oo ka sheekeeyay adeegyadii ee dowladda ee loo daadajiyay illaa heer degmo, iyo tuulo.