27-March-2024
Darawalkii Farmaajo Sahal Maxamed Xirsi ayaa ku biiray Argagixisada Alshabaab kadib markii uu iibsaday gaarigii uu u wadey Madxweynihii hore
Baxsashada darawalkii Farmaajo oo Argagixisada u goostay maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL oo ku yaalla banaanka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ayay warisay Caasimada Online in uu sii xoogeeynayo shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxda Farmaajo
Horey Markii uu dhacay weerarkii Hotelka VIlla Rays oo ku yaalla afaafka hore ee madaxtooyada, waxaa la waayey oo Shabaab u goostay darawalkii gaarka ah ee Maxamed Mursal guddoomiyihii golaha shacabka u joogay Farmaajo, taas oo muujisay heerka uu gaaray isku milanka hey’adaha dowladda iyo Al-Shabaab
Sanadihii uu xukunka joogay Farmaajo ayaa la sheegaa inay aad isu dhexgaleen Argagixisada iyo hey’adaha dowlada taas oo Alshabaab u suurta gelisay inay dilaan kumanaan dad ah goobo muhiim ahna weeraraan