Dareenka caawinaad la’aanta’ haweenka Afgaanistaan ​​ee laga mamnuucay waxabarashada shaqada NGO-yada

28″ December “2022

Ku shaqaynta xirfada caafimaadka xanuunada dhimirka ee dumarka Afgaanistaan, adiga oo ku hoos jira xukun sida kan Taalibaan oo kale ah ma aha mid fudud sida ay dareemeeyso Alia oo 42 jir ah

Dhaqtarada Alia iyo Ururkeed Aseel ma daneeyo dhinacyada siyaasadda ee xaaladda Afgaanistaan wuxuuse ka shaqeeyaa In uuka jawaabo dhibaatooyinka bini’aadantinimo oo kali ah oo ah samafal ay ku tiirsan yihiin haween iyo caruur badan

Tan iyo markii ay Taliban kula wareegeen awoodda dalka Afghanistan sannadkii hore heshiis ay Qatar garwadeen ka tahay waxay soo rogtay xayiraad dheeraad ah oo ku saabsan xorriyadda haweenka – laga bilaabo waxbarashada ilaa shaqada

Dhaqdhaqaaqeeda maalinlaha ah ayay ku adkaysay Alia, oo ah bixiyaha aasaasiga ah ee qoyskeeda, inay shaqadeeda ka sii wadato Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah (IRC).

Dabeecadda shaqada Alia, iyo hay’adda caalamiga ah ee ay xiriirka la lahayd, ayaa u oggolaaday inay sii shaqeyso, xitaa marka haweenka kale ee waddanka oo dhan lagu qasbay inay shaqadooda ka baxaan iyo in joojiyaan waxbarshada sare

“Kadib markii ay Taliban yimaadeen, waxaa na gashay xoogaa cabsi ah [shaqaale dumar ah], oo Caaliya ay ka mid tahay ayaa yiri- laakiin waxaan ku guuleysanay inaan shaqeyno anagoo ilaalinayna xeerarkooda, sida xirashada xijaabka – hada waxay noo qoreen in had iyo jeer uu na la socdo qof Muxaram ah oo noqon kara xubin ka tirsan qoyska hadiiba San guriga ka soo baxeeyno ayay tiri Alia

“Waxay ahayd mid aad u adag, laakiin waxaan bixinaynay adeegyo aad loogu baahan yahay qaar ka mid ah gobollada aadka u fog iyo kuwa danyarta ah ee dalkan,” ayay sii raacisay.

“Xitaa waxay ogolaadeen kooxdayada dhakhaatiirta inay shaqeeyaan. Waxaan bixinaynay adeegyo muhiim ah haweenka iyo carruurta, waxaanan sidoo kale la shaqeeyay bukaannada u baahan taageerada caafimaadka dhimirka,” ayay raacisay, dareenka kibirka ee ka muuqda codkeeda.

Laakiin waxaas oo dhan waxay istaageen Sabtidii, markii Taliban ay ka mamnuucday haweenka inay ka shaqeeyaan hay’adaha aan dawliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa ajnabiga ah ee Afgaanistaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda dhaqaalaha ayaa lagu faah faahiyay in la’aanta xijaabka saxda ah ee haweenka shaqaalaha ah ay keentay in la mamnuuco “ilaa amar dambe”.

Mamnuucidii ugu dambeysay ee haweenka shaqada laga joojiyey ayaa daba socota mamnuucidii dhawaan lagu soo rogay ardayda dumarka ah ee dhigta jaamacada壯陽藥 ha – labaduba waxay muujinayaan hab adag oo ay qaaday Taliban. Codsiyada Aljazeera ee ku saabsan ka qaybgalka sheekadan ee ka yimi afhayeenka Taliban ayaan laga jawaabin.

“Ma garanayo sida aan u sii noolaan doonno,” Alia ayaa u sheegtay Al Jazeera. “Waxaan shaqaynayay ilaa 2008, waxaana ahay masruufka qoyskayga oo lix ka kooban. Ninkaygu waxa uu leeyahay dakhli aan joogto ahayn oo si dhib yar u daboola kirada

Tani waa wax takoor ku ah kala bar dadka Afghanistan Iyada oo laga jawaabayo mamnuucida Taliban ee haweenka ka shaqeeya, dhowr NGO-yo caalami ah oo ka shaqeeya Afgaanistaan, oo ay ku jiraan loo shaqeeyaha Alia – IRC – waxay hakiyeen adeegyadii dalka.

IRC waxay Afgaanistaan ​​ka shaqaynaysay tan iyo 1988-kii, iyadoo in ka badan 3,000 oo haween ah ay ka shaqaynayeen halkaas, ka hor inta aan la mamnuucin, oo siyaabo kala duwan u shaqeeya. Weligeed hore uma ay joojin bixinta adeegyada naf-badbaadinta ee kuwa u baahan.

Ugu yaraan hal urur oo Afgaanistaan ​​ah ayaa ka soo horjeeda mamnuucida haweenka shaqaalahooda ah.

Ururka Aseel ma daneeyo dhinacyada siyaasadda ee xaaladda Afgaanistaan; waxaanu nahay urur bini’aadantinimo oo kali ah oo ku tiirsan dadka, oo ay ku jiraan haween, si ay uga jawaabaan dhibaatooyinka bini’aadantinimo,” Khalid ayaa u sheegay Al Jazeera.

Jawaabta Aseel ee xayiraadda waxay ahayd in la bilaabo barnaamij lagu shaqaaleysiiyo haween badan doorar si weyn diiradda u saaray teknolojiyadda, Khalid ayaa yiri.

Leave a Reply