Darnaanshuhu Ma aha Abaalgudka la Siiyo Dalkaaga !! [Faallo]

Laftagareen: Itoobiya Waa U Abaal Guday, Laakiin Midkii Ay Somalia ku laheydna Wuu Dayacay

Si uu ,u soo laabto Farmaajo oo Itoobiya uu u siiyo dakadihii uu u balanqaaday ayaa sal u ahayed markii horaba in Laftagareen uu Madax ka noqdo maamulka Koonfur-Galbeed

Soo xulitaanka xildhibaabadii dooran lahaa farmaajo oo Itoobiya ay ka heeysatay balan qaadyo dakadeed ayaa Laftagareen loo geeyay kursiga ugu sareeya ee maamulka Koonfur-Galbeed isaga oo ay galbinayaan ciidamada Itoobiya oo xasuuq ka geeystay magaalada baydhabo xiligaas

Ka hadalka xadgudbyadii bani,aadantinimo ee Itoobiya ay ka geeystay Baydhabo, ooy ku jireen Iskudirkii beelaha gobolkaas daga Iyo xoog ku geeyntii Laftagareen xaafiiska K/galbeed ayaa sababtay sidoo kale in dalka laga saaro Nicholas haysom Ergeygii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsnaa Somalia kaas oo bilaabay inuu yiraahdo ” Waa lagu la Xisaabtamayaa kuwii ka danbeeyay falal foolxun oo waqitgaas ay badhabo martigalisay

Xasuuqan ayaa yimid iyada oo dadweyne taageersan Musharaxii u taagnaa madaxtinimada Koonfur-Galbeed ee Muqtaar rooboow ay ka horyimaadeen xoog shisheeye oo loo aseegsday sidii Laftagareen uu u qaban lahaa mudo xileedkii ka dhamaaday.

Fahad yaasiin iyo farmaajo ayaa xiligaas u ololeeyay in Itoobiya ay xoog ku geeyso Laftagareen xukunka Koonfur-Galbeed taasoo oo keenta in Muudeey Prof Jawaari iyo Prof Dhalxa laga hor istaago xitaa xubinimada baarlamaanka ,

Laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh oo qabjoojiyay xiisad gacan ka hadal ah oo ka dhalatay mudo xileedka ka dhamaaday Laftagareen markii siyaasiin ka soo jeeda gobolka ay ku hanjabeen inay qabanayaan doorasho ayaa waxa mudo kordhin uu ka helay hogaamiyaha Koonfur-Galbeed Maslaxada arintaas ay noqotay mid qab jab ku ah soomaalinimada iyo qaranka jilicsan ee Itoobiya ay haweeystay inay ka qaadato Badeeda,

Soo laabashada Laftagareen ee Baydhabo ayaa durba sii shiday in uu dilaaciyo darsigii uu ku soo qatay Safaarada Itoobiya ay ku leedahay Kenya oo mudo lagu la shirayay kiiyoo bilaabay in uu adeegsado ereyo naceyb xambaarsan Isaga oo isku dayay in uu ku kala qeybiyo bulshada Soomaaliyeed ee ku mideeysan difacista dalkooda

WQ Elmi Osman Farah Boodhari