Dawladda Federaalka oo muddeysay waqtiga ay tahay in askarta Itoobiya uga baxaan guud ahaan Soomaaliya

1-June- 2024″ Arintan ayaa dabo joogta khilaafka aan wali xalka loo helin ee u dhaxeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaddib is afgarad kii bilowgii sanad kan ku dhex maray Addis Ababa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abii Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ee idaacadda maxaliga ah ee Goobjoog ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

Dhammaadka 2024 oo qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo hawlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS, ayaa waxa socda qorshe kale oo ciidamadaasi ku sii joogayaan sanad dheeraada, inkastoo magacooda iyo waajibaadkooduba wax iska badalayaan.

Haseeyee ciidamada Itoobiya qayb kama sii ahaan doonaan hawlgalka cusub, sida uu sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin.

Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay’’ ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sababta Dawladda Federaalka aanay u dooneynin in ciidamada Itoobiya ay qayb ka sii ahaadaan hawgaladda nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayuu ku sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya labada wadan.

‘’Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobi

Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan.’’

Xuseen Macalin waxa kale oo uu sheegay in marka uu dhammaado xiliga ATMIS Diiseembar 2024, ay jiri doonaan illaa 12,000 oo askari oo qayb ka noqonaya hawgal cusub, kaas oo ay suurtagal noqon karto in ay qayb ka sii ahaadaan dawladdaha hadda ciidamadoodu joogaan marka laga reebo kuwa Itoobiya.

Sidee qorshaha ka reebista ciidamada Itoobiya ee hawlgalka cusub u hirgali karaa?

Golaha Wadatashiga Qaranka
Qoraalka sawirka,Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka

Ciidamada Itoobiya ee jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxay isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Dooddaha iyo shirrarka lagu gorfeynayo hawgalka cusub ee badali doona kan ATMIS oo ay dawladda Soomaaliya garwadeen ka tahay, ma dooneyso in ciidamada Itoobiya ay qayb ka noqdaan hawgalka cusub, sida uu sheegay LaTaliyaha Amniga Qaranka.

Hase yeeshee dad badan ayaa is weydiinaya haddii maamul goboleedyada qaar ay codsadaan in ciidamada Itoobiya ee aan ku jirin hawlgalka ATMIS ay sii joogaan deegaankooda waxa dhici kara.

Maxamed Mukhtaar oo ka faalooda arimaha siyaasadda Soomaaiya ayaa sheegaya in loo baahan yahay in dawladdu abuurto kalsooni ay maamul goboleedyadu ku qabi karaan amaankooda kaddib ka bixitaanka ciidamada Itoobiya.

‘’Runtii arintu waxay ku xiran tahay wax badan kalsoonida Muqdisho iyo dawlad goboleedyadaasi ka dhaxeeya, waxay ku xiran tahay diyaar garowga ciidanka Soomaaliya ay u diyaar san yihiin inay amniga la wareegaan, sidoo kale ciidamada kale ee imaanaya, xiliga ay imaanayaan iyo arintii dhaqaalaha ciddii bixin lahayd in meel saaro, wax kasta waa suuragal laakiin wax badan waxay ku xiran yihiin mudda hartay sida looga hawlgalo iyo sida ay isu fahmaan dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada,’’ ayuu yiri wasiir hore Maxamed Mukhtaar.

Xalay mar la weydiiyay La Taliyaha Amniga Qaranka, sida looga talo galiyay madaxda maamul goboleedyada qorshaha wixii ka dambeeya hawgalka ATMIS marka la soo gabagabeeyo, waxa uu sheegay in shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka lagu siiyay warbixinta arintaasi la xiriirta.

‘’Dabcan haa, dee dawlad goboleedyada shirkii hadda la isugu yimid, warbixinaa laga siiyay, waana ka war hayaan, ciidamada ka hawlgala dawlad goboleedyadana, madaxda dawlad goboleedyadu aad ayay ula falgalaan, wayna ka war hayaan, marka qaabka iyo hawshan ATMIS kaddibna, qayb bay ka yihiin,’’ ayuu yiri Xuseen Macalin.

Wali waxa socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

Arimaha siyaasadda ayaa sida uu sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka waxa kamid ah sida dawladdu dooneyso in ciidamada Itoobiya aanay qayb ka noqon hawlgalka cusub.

Halka uu ka bilowday khilaafka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Is afgardaka Itoobiya iyo Somaliland
Qoraalka sawirka,Hargeysa iyo Addis Ababa ayaa maalinkii koowaad ee sanadkan is-afgarad ku kala saxiixday Addis Ababa

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland kowdii Janaayo si ay u hesho xeeb dhererkeedu dhan yahay 20 KM, ayaa Soomaaliya si weyn uga caraysiiyay, isla markaana xiisad weyn ka abuurtay gobolka.

Marka laga soo tago eedeymaha iyo hadallada kulul ee soo noqnoqday ee ka soo yeeray Soomaaliya, waxay sidoo kale arrintan u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waqti sii horreeyay ayuu ahaa markii Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, waxayna ku amartay safiirka Itoobiya iyo dublamaasiyiinta kale inay ka baxaan Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa sidoo kale lagu amray inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa heshiiskii is-afgarad ee ay kala saxiixdeen waxaa la sheegay in loo bedeli doono heshiis wax ku ool ah muddo gaaban gudaheed.

Si kastaba ha ahaatee, shan bilood ayaa ka soo wareegtay markii la saxiixay Heshiiska Is-afgaradka, ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin halka uu marayo iyo dhaqan-gelintiisaba.

Leave a Reply