Itoobiya ayaa sheegtay in ay xirtay xadka ay la leedahay dhinaca Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland kaddib markii ay halkaas ka dhaceen dagaallo dad ku dhinteen.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay gudaha iyo hareeraha tuulada Dawacaleey degmada Harshin. Wararka waxay sheegayaan in ay ku dhinteen dad ka badan boqol qof.
Dagaalka markii hore sida la sheegay wuxu ku bilowday beelo dagaallamay balse markii ay toos u soo farogeliyeen booliska loo yaqaan Liyu oo ah ciidamo gaar ah oo ka tirsan gobolka Soomaalida ayaa keentay in ay Somaliland ka carooto.
Wasaaradda amniga gudaha Somaliland ayaa shalay soo saartay qoraal ay ku eedeyneyso Liyu boolis in ay “xasuuqeen” rayid, waxayna wasaarada sheegtay in ay dowladda Itoobiya u gudbisay cabasho.
Arrintan ayaa ku soo beegantay kaddib markii dagaal hor leh oo socday saacad uu shalay markale dib uga qarxay halkaas.
Khilaafkan ayaa dhaawacaya xiriirka dhow ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland xili mustaqbalka heshiiska baddaa ee labada dhinaca saxiixdeen janaayo sanadkan uu shaki ku jiro.
Sidoo kale wuxuu maamulku sheegay in dagaalkii shalay dhacay lagu soo qaaday ciidankooda, isla markaana mas’uuliyadda wixii dhacay aysan shaqo ku lahayn.
Somaliland oo dhankeeda ka hadashay dagaalka ayaa ku eedeysay Liyuu Boolis inay xasuuq ka gaysteen Dacawaley, islamarkaana ay dileen dad xoolo dhaqaqto ah, ayna afduubteen odayaal xal raadin u joogay deegaankaasi.
“Xukuumadda waxaa ay cambaaraynaysaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo,” ayaa lagu yiri warka Somaliland ay soo saartay.
Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii shalay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga