Hogaamiyaha TPLF oo ku laabtay Mekelle xili golaha amaanka ay ka digayaan colaad ka soo cusboonaata Gobolka Tigray

3″ July “2021” Saturday “

Hogaamiyaha kooxda TPLF ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka, sida ay wararka sheegayaan.

Dr. Debretsion Gebremichael ayaa shalay soo gaadhay magaalada Mekelle , maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka.

Waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigreega oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa kahor intaan meesha laga saarin.

Debretsion

Isaga iyo asxaabtiisuba waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofeembar 2020.

Khudbadiisa oo ay baahisay Tigray Media House, Debretsion wuxuu ku sheegay inuu ka adkaaday “cadowga”. Wuxuu sheegay in dagaalka uusan wali dhamaan.

Muuqaal dhex wareegayay baraha bulshada, Debretsion ayaa lagu arkay isagoo xiran astaanta halgamayaasha TPLF oo u muuqday inuu caatoobay. Ugu yaraan laba hogaamiye oo kale oo sare oo katirsan kooxda TPLF ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo la socda Debretsion.

Maalintii Isniinta ahayd ayay ciidamada qaranka Itoobiya isaga baxeen magaalada Mekelle iyo aagaga kale ee gobolka, kadib dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac. Dawladdu waxay sidoo kale ku dhawaaqday “xabbad-joojin bani’aadamnimo” oo hal dhinac ah.

Jabhadda TPLF miyay soo rogaal celisay?

Maxaa ka jira in Tigreegu ay ciidamada Itoobiya ka soo soo rideen diyaarad militari?

.

Jabhada oo isku magacaawda ciidamada difaaca ee Tigreega ayaa hada maamusha inta badan gobolka waxaana ciidamada Eritrea lagu soo waramayaa inay ka baxeen magaalooyinka waaweyn.

Isgaarsiinta iyo koronto la’aanta gobolka ka jirta awgeed, macluumaadka ka laga helaya aad ayuu xadidan yahay.

Hay’adaha bani’aadamnimada ayaa ka digay dhibaatooyinka ka dhalan kara dagaalka haddii aanan la kordhin gargaarka oo aan s dhakhse leh loola gaarin.

In ka badan 350,000 oo qof ayaa wajahaya xaalado macluul, iyadoo qiyaastii 5 milyan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Kummanaan qof ayaa ku dhimatay tan intii uu bilowday dagaalka Tigary
Qoraalka sawirka,Kummanaan qof ayaa ku dhimatay tan intii uu bilowday dagaalka Tigary

Raiisel wasaare kuxigeenka Itoobiya, ahna wasiirka arimaha dibada, Demeke Mekonnen ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxda TPLF oo ay bilo kahor ku dhawaaqday inay tahay “urur argagixiso”

Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigreega ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul wasaare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018.

Abiy ayaa go’aansaday in xisbigii isbahaysiga qoomiyadaha ee EPRDF uu noqdo hal xisbi oo la yirahdo Barwaaqo, hase yeeshee TPLF ayaa gaashaanka u daruurtay go’aankaasi iyadoo diidday inay ka qeyb noqoto.

TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, waxaa booska ka saaray Abiy Axmed.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay ka dib markii doorashooyinkii la rabay in la qabto bishii Ogosto 2020 dib loo dhigey sababo la xiriira cudurka fayraska corona.

Abiy Axmed

Kooxda TPLF ayaa kasoo horjeesatay talaabadan waxayna go’aansatay inay abaabusho doorasha gaar u ah oo hal dhinac taas oo ay ku guuleysatay 100%. balse Dowladda Federaalka ayaa doorashadaasi ku tilmaamtay mid “sharci darro ah”, taas oo horseedday qalalaasaha haatan jira.

Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciidamada amniga ee gobolka Tigray ay weerareen saldhigyada ciidammada qaranka ee Tigray. Maalintii xigtayna RW Abiy Axmed wuxuu ku amray militariga inay meesha ka saaraan maamulka dowlad deegaanka Tigary.

Golaha Ammaanka oo ka digey colaad hor leh oo ka dhacda Gobolka Tigray

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka digey in colaad hor leh ay ka dhacdo gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, inkastoo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah.

“Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh. Xabbad joojintii lagu dhawaaqay waxay fursad siinaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, oo kooxda TPLF ay ka mid tahay, in ay ka faa’iideystaan oo ay xaaladda ku dejiyaan. Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqeynaa xoogagga difaaca Tigreeda ee TDF in ay si deg deg ah u ansixiyaan xabad joojinta oo gebi ahaanba ay dhaqangeliyaan,” ayay tiri Rosemary DiCarlo

Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarlo, ayaa ka sheegtay kulankan ka dhacay New York in iska hor imaadyo kale ay u badan tahay inay dhex maraan ciidamada Tigreega iyo kuwa dowladda Itoobiya oo ay kaalmeynayaan ciidamada Eritrea iyo kuwa maamulka Amxaarada.

Sidoo kale kulankan uu yeeshay Golaha Ammaanka ayaa loogaga hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay colaaddii dhawaan ka dhacay gobolka Tigreeda ee dalka Itoobiya ayna sababtay macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii 400,000 oo qof.

Ku simaha madaxa gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, Ramesh Rajasingham, ayaa Golaha Amniga u sheegay in xaaladda Tigray ay aad u xumaatay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in 1.8 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul – marka lagu daro 400,000 oo qof oo durba ka gudbay xadka dalkaasi. Wuxuu intaas ku daray in 33,000 kun oo carruur ah ay hayso nafaqadarro ba’an.

Dowladda Itoobiya ayaa maalintii Isniinta ahayd ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, haseyeeshee waxaa jiray warar sheegayay inay jiraan iska hor imaadyo goos-goos ah oo ka socda qaybo ka mid ah gobolka Tigreega, iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee ah in dhammaan dhinacyada colaadda ku lugta leh ay dib u kala gurtaan.

Siddeedii bilood ee ay socotay xasaradda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ku barakacay ku dhowaad laba milyan oo qof, halka boqolaal kun oo qof oo kalana ay halis ugu jiraan in ay macaluul u dhintaan.

Leave a Reply