7- September-2023
Dadku Waxay Bilaabeen Dagaalka Yaanbada
Deegaanada laga xoreeyay Argagixisada dadku waxay bilaabeen in dib u qotaan dhulkooda iyagoo daneynaya la dagaalanka cunta yarida joogtada ah
Meelo ka mid ah deegaanada gobolka Sh/dhexe ee laga xoreeyay khawaarita Alshaaab dadku waxay bilaabeen inay qaadaan Dagaalka Yaanbada Iyaga oo danaynaya in tacbashada beeraha uu noqon karo mid ka mid ah awoodaha ugu muhiimsan ee lagu la dagaalami karo cunto yarida joogto ah
Somalia argagixisada waxay ku habsatay dhulkii wax soo saarka ugu badan ee xaga beeraha iyo xoolaha lahaa iyadoo Abnidarada kooxda xagjirka ah iyo Maalgelinta heerka hoose ee beeraha iyo xoolaha ooy soo raacdo abaaraha xiriirka noqday ay sii hur壯陽藥 inaysa cunto yarida iyo saboolnimada dadkeena .
Saameeynta ka dhalatay isbadelka cimilada iyo La,aanta rabitaan siyaasadeed oo dalka iyo dadka samatabixiya intii lagu jiray 5 tii sano ee maamulkii hore ee farmaajo ayaa ka tagey masiibo gaajo oo aan ku koobnayn kaliya nafaqo-xumo laakiin ku fidsan dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka
Waxqabad la’aanta wiiqday-horumar kasta ooy ku fagari lahaayeen bulshadeena beeraleyda ah sanadihii la soo dhaafay ayaa dhaawacay hamigii wax,soo saar ay suurtagal tahay ugu yaraan in uu hoos u dhigi lahaa adkeysi la,aanta ka dhalatay cunno yarida abaaraha daba dheeraaday
Tan iyo markii maskaxda ugu sareysa dalkeena ay ku fagareen lagama maarmaanimada si Soomaaidu ay u gaarto haqab-beelka cuntada in meesha laga saaro masiibada kooxda xagjirka ah ee Alshabaab oo.sida Ayax soo dul-dagey dhulkii nimcada iyo barwaaqada lahaa ee dalkeena waxaa muuqata in beeraley badani ay gashay rajo ay dib ugu tacbadaan beerahoodii laga hortaagnaa.