Dowlada Somalia oo Dagaal kula wareegtay Deegaanka dhowra ah oo Al-Shabaab ay ka talinayeen mudo dheer

16- September-2023- Galmudug

Deegaanka Qodqod oo galabta laga xoreeyey Al-Shabaab dagaal saacado socday oo ciidamada dowladda ay la galeen Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa deegaankaas ku weeraray Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Dagaal culus oo maanta duhurkii soo bilowday kadib, Geesiyaasha xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah oo hoos taga magaalada Camaara.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ee ku jira howlgalka sifaynta Khawaarijta ee Galmudug ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka ciribti犀利士 rka Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada deegaanka oo ka baxay degmada Baxdo ilaa deegaanka Xin-lebi oo maalin ka hor laga xoreeyey kooxda ayaa maanta weeraray deegaanada ku hareereysan Camaara, wuxuuna dagaalka ugu culus ka dhacay Qodqod.

Meydadka maleeshiyaad badan oo Shabaab ah ayaa la sheegay inay caawa yaalaan gudaha deegaanka Qodqod, kuwaas oo ciidamadu ay galabta laayeen.

Leave a Reply