15 September 2023- SYL
Daawo : Warbixinta Gaari homey ah oo sahay u siday Al-Shabaab oo la qabtay
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa gacanta ku dhigay Gaari homey ah oo sahay u siday maleeshiyada Al-Shabaab- ee ku dhuumaaleysanaya howdka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Kooxda Al-Shabaab oo wajaheysa dagaal dhinacyo Badan leh ooy ku jirto go’doominta ay ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Gaariga la qabtay ka soo buuxiyay Caagag waaweyn oo shidaal ah , Daawooyinka dhaawacyada loo isticmaalo, cuntooyinka fudud, sida Buskud, Timir, Caano khasadeeysan iyo agabyo kale
Gaarigaas ayaa lagu qabtay aagga deegaanka Nuur-dugle, xili uu u socday dhanka degmada Ruun-nirgood, halkaas oo ciidamada dowladda ay ku adkaatay inay Shabaab ka saaraan, maadaama ay tahay dhul howd ah.
Sidoo kale gaariga la qabtay waxaa la xaqiijiyey inuu sida ku dhawaad 20 jirgaan oo Shidaal ah, kuwaas oo lagu hoos qariyey alaabta kale, balse ciidanka ayaa dhulka dhigay dhamaan wixii agab saaraa gaariga.
Saraakiisha ciidankii qabtay gaariga siday agabkaan loo waday Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay inay ogaadeen in gaarigu uu alaabo kale u siday dad aan ka tirsaneyn kooxda oo shacab ah, taas oo ku kaliftay inay ka reebaan agabkii ay uga shakiyeen inay Shabaab isticmaali karaan, kadibna ay sii daayaan gaarigii.
Halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud oo gaariga sahayda siday uu u socday waxaa la sheegay inay buuxaan maleeshiyaad iyo saraakiil Shabaab ah oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dagaalo toos ah iyo duqeymo ay dowladdu u geysatay.
Muuqaal laga soo duubay agabka uu siday gaariga la qabtay wuxuu muujinayaa in daawooyinka loo isticmaalo dhaawacyada ay ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa dhiig joojinta iyo qalajiyaha, daawooyinkaas oo la rumeysan yahay in loo waday Al-Shabaab