25″ December “2021” Muqdisho ” Radiodalsan
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro xilka qaadis lagu sameeyay, kadib kulan Maanta ay yeesheen xubno ka tirsan Guddiga doorashada.
Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga doorashada Mowliid Mataan ayaa sheegay in xilka laga qaaday Guddoomiyihii Guddiga doorashada Maxamed Xasan Cirro, kaddib mooshin ay ka keeneen xubnaha Guddiga 15 xubnood ayaa u codeysay mooshinka kalsooni kala noqoshada Guddoomiye Cirro.
kadib markii cod loo kalsooni loo qaaday gudoomiye Cirro waxaa ay isku raaceen guddiga in kalsoonida lagala noqday,”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada.
Hase yeeshee qoraal ka soo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu sheegay inaysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey gudoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, ayna hawlahooda shaqo si rasmiya
Beenin
War-saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga ayaa lagu yiri “Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in guddiga doorashada lagu hayo fara gelin ka imanaysa dhinacyo siyaasadeed, taasoo dhibaato ku ah shaqada guddiga, doorashada iyo hufnaanteda.