Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo goordhoweyd magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada xukuumaddiisa ayaa General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) u magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada isaga Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, geeyay wasaaraddii uu ka qaaday Bashiir goobe ee haweenka arimaha qoyska iyo xaquuqul insaanka
Hambalyo General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe)
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Daahir Shire Maxamed loogu magacaabay wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Daahir Shire ayaa waxaa lagu beddelay Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa xubnaha gacanta midig ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna ninkii haayay galka shidaal baarista.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa isku beddalay wasiirradii wasaaradaha, qoyska iyo xuquuqul insaanka iyo deegaanka iyo isbeddelka cimilada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu wareegtadiisa ku magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo biyaha Cismaan Axmed Macoow.
Wareegtooyinkan ayaa waxaa si gaar ah hadal-heyn badan dhalisay xil ka qaadista wasiirka batroolka Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa kaadiriinta xisbiga UPD, sidoo kalena ah madaxweynaha abtigiisa, waxaana durba arrintan loo qaatay in madaxweynuhu uu tartiib tartiib u bixinayo saaxibadiisii dhiigga u shubay