Muqdisho:Naftii Halige isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo lagu koobay waxyeeladiisa: Iyo weerar Deegaanka Caad

24- January -2024

犀利士 ure class=”wp-block-image aligncenter size-full is-resized”>

DegDeg : Qof naftii Halige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ciidanka ammaanka ku joojiyeen inta u dhaxaysa isgoyska Cali Kamiin iyo Laba Dhagax.

Shaqsigaan oo doonayay in uu Isku daro dadka shacabka ee ku sii ququlaya garoonka Stadium Muqdisho ee ka qeybgalaya ciyaarta adag ee ku dhexmaraysa Galmudug v Banaadir si uu dhibaateeyo ayaa kaligiis ku haligmay qarixii ku xirnaa

Warbaahinta qaranka ayaa ku warantay In Ciidanka ammaanka oo feejigan ay dareemeen dhaqdhaaqa Sharwadaha ka hor inta uusan Qarxin.

Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday deegaanka Caad ee gobolka Mudug iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa saaka weerar xoogan ku ekeeyay saldhigyo ay magaaladaas ku leeyihiin ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo horay kooxda uga qabsaday halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka iyo qaraxyada ay ka dhasheen khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu la’egyahay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay weerarkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarkaasi, ayna jabiyeen Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda  Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ay ka war hayeen weerarkaasi, isla-markaaana ay khasaare culus ku gaarsiiyeen xubnaha soo qaaday.

Leave a Reply