Siihayaha wasiirka Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe.
Wasiir Goodax iyo wafdigiisa aya si weyn loogu soo dhaweeyay Balacad, waxaana ka qayb qaatay soo dhaweyntiisa maamulka degmada iyo ardayda wax ka barata degmaas, isagoo dhagax dhigay Dugsi Sare oo lagu baran doono Cilmiga Beeraha.
Waxaan maanta safar dhulka ah ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana kasoo dhagax dhigay Dugsi Sare oo lagu baran doono Cilmiga Beeraha.Waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo shacabka degmada oo si diirran noogu soo dhaweeyay” ayuu yiri siihayaha Wasiirka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya cabdullaahi Goodax Barre.
Sii hayaha wasiirka waxbarashada ayaa dhawaan dhagax-dhigay goobo waxbarasho oo laga hirgaliyay Baardheere ,Garbahaareey iyo Dooloow Soomaaliya
.