Deni Iyo Axmed Madoobe oo kulan LA qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

8″ April ” 2021 MUQDISHO”

Beesha Caalamka ayaa aad uga walwasan natiijo la’aanta shirkii Afisyooni ayaa kulan la qaatay madaxda Maamul Goboleedyada  Puntland iyo Jubbaland

Asked madoobe iyo Dani ayaa kulankan Beesha Caalamka ugu sheegay  in aanay ogeyn shir fashilmay, iyagoo meesha ka saaray wararka sheegaya shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay shirka ku xireen, kaasi oo horay ugu eedeeyay wasiir dube in ay mas’uul ka ahaayeen labada maamul Goboleed in lagu kala tago shirkii Afisyooni.

Labada mas’uul ayaa Beesha Caalamka u sheegay in wali ay taagan yihiin aragtidoodi hore ee shirka bilowgiisa, waxaana ay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in aanu doorasho rabin, oo uu doonayo inuu dalka geliyo qalalaase.

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sheegay inay dhinaca kale ee dowladda Federaalka la kulmayaan, iyagoo marka ay uruuriyaan fikiradaha dhinacyada kala duwan la wadaagi doona dalalkooda, halkaasoo iyana laga sugayo in illaa caawa warar ka soo yeeraan.

Beesha Caalamka ayaa aad uga walwasan natiijo la’aanta shirkii Afisyooni, waxaana laga sugayaa in saacadaha soo socdo war soo saaraan.

Leave a Reply