Deni oo Codkiisa Ka Dhiibtay Magaalada Qardho

Monday 25″ October “2021 Qardho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa codkiisa ka dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Qardho, oo ah tii ugu horeysay nooceeda ah ee ka dhacda Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay macno weyn u sameeyneyso doorashooyinka Golaha degaanka ee maanta ka bilowday degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland.

Waxaa uu sidoo kale  uu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed iyo deeq bixiyeyaasha Caalamka labada dhinacba ay xilligaan ku kalsoon yihiin in la qaban karo doorasho qof iyo Cod ah uuna rajeeynayo in lagu guuleysto.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray qaar ka mid goobaha ay ka socoto doorashada codbixinta golaha deegaanka degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in maanta shacabka Puntland ay u tahay maalin taariikhi ah, xukuumadduna ay xaqiijisay hirg壯陽藥 alinta mid ka mid balan qaadyadii shacabka Puntland ay u samaysay.

Degmooyinka Qardho,Eyl iyo Ufeyn ayaa saaka looga dareeray codbixin markii ugu horeysay muddo ka badan konton sano.

Leave a Reply